Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 9aad

Spread the love

Arrimahaas daraadood ayey ka fursanwaa noqon weydey in Calimaax in jaallayaashiis degdeg u baxaan oo aadaan Taleex Xaruntii Daraawiishta. Intaanay bixinse ayaa Calimaax ka codsaday in loo joogo ilaa fiidka inta uu arrimo hoos ahaan ah soo dhammaysanaayo, taasna way ka ogolaadeen nimankii kale.

Haddii la casheeyey oo ay ahayd abaara siddeedii saac ayaa Calimaax aadey gurigii Cawrala Barre intuu sii waraystay halkuu ku yaal. Aqalka Cawrala Barre wuxuu magaalada kaga yiillay xagga bari oo xeebta raacsan, wuxuuna ahaa cariish saddex qol ah berended weynna leh. Cali markuu albaabkii garaacay waxaa ka furtay Cawrala hooyadeed oo wuxuu ku yiri, “iska warrama, Cawralana iigga warran.” Cawrala hooyadeed waxay ku jawaabtay, “waa nabdoonnahay, Cawralina hadday soo baraarugtay.” Cali baa yiri markaas, “waxaan is iri Cawrala siday tahayna sii eeg siina nabad gelyee, waayo caawaan baxayaa.”

Cawrala hooyadeed baa markaas tiri, “ma ninkii la sheegaayey oo badda ka soo saaray baad tahay, eeddo Ilaahay ha kaa abaalmariyo ee hore u soco waatan sariirta saarane.” Cali baa markaas u galay Cawrala oo intuu barbar fariistay gacanta u dhiibey oo salaamay kuna yiri

, “Cawrala iska warran, waxaan kuugu imi inaan ku sii nabadgelyeeyo, waayo caawaan aniga iyo niman kale baxaynaa waxaanuna ku simaynaa ilaa Taleex ee nabadgelyo ilaa intaynu dib u kulmayno haddii Alla yiri

.” Cawralaa markaas tiri, “horta Ilaahay ha ku nabad geeyo ilaa meeshaad u jeeddid, aniguse waxaan jeclaa inaad ila joogtaa oo aan aad isu barannaa, martiqaadna kuu sameeyaa kuna abaalmariyaa. Haddiise ayan suuragelayn inaad negaatid, maxaa inoo ballan ah oo aan ku kala tegaynaa

.” Cali waa aamusay oo wuxuu ballan ku qaado buu soo saari waayey. Iyadii baa haddaba tiri, “waxaa Caliyow inoo ballan ah markaad ka guuleystaan gaalada iyo dulliga aad la dagaalamaysaan laba hal. Tan u horaysa, waxaa inoo ballan ah inaynaan is illaawin oo uurka isku haynno. Tan labaad waxaa inoo ballan ah inaan aqal aroos sii aloosiyo oo maalintaa aynu guri galno.”

Cali wuxuu ku yiri, “waa tahay Cawralaay saasaa inoo ballan ah ee nabadgelyo raggii baa i sugayee.” Cali halkaasuu ka baxay gurigii oo u tegey jaallayaashii. Saacad dabadeedna waxay ka guureeyeen magaaladii iyagoo lug ah, waxayna fardihii oo loo mirsiinaayo ugu tegeen buurta salkeedii oo saddex kiiloomitir u jirta.

Habeenkaas waxay guura ahaadaanba fardahana kadlaysiiyaan, waxaa waagu ugu beryey buuraha Karmaan, halkaasoo ay xakamihii kaga debciyeen fardihii, maalintaana ugu hargaleen reera yaalla oo si wacan u sooryeeyey oo tulud geela u loogay.

Duhurkii markay tukadeen ayey barihii fardaha ku tageen, waxay koosa raqlaysiiyaanba waxa la kulmeen raxan biciid iyo wariilayaal haldhaa daadahaynaayo oo uu dedibta ka darminaayo.

Fardihii ayey cabbaar ku baacbaacsadeen biciidkii ilaa ay saryankii u weynaa ku xiijiyeen oo qabsadeen habeenkaasna isagii bay sahay ka dhigteen inta holac lagu bisleeyey ilaa ay ku laqanyoodeen shishlaantiisii.

Habeen saddexaadkii ayey galeen Xaruntii iyadoo markaas ay tahay habeen barkii oo ilaaladii ma’ahee cid kale aanay soo jeedin, markaasuu raggii mid waliba fadhiguu ka tirsanaa u hurda tegey galahoodii. Subaxdiiba Calimaax wuu jarmaaday isagoo ku tala gelaaya in laga sugaayo war guud iyo war hoose oo ku saabsan dhulkuu sahanka u tegey iyo wixii fariimo ahaa oo ay soo direen dadkii raacsanaa Daraawiishta.

Lixdii aroornimaba wuxuu isa sii taagey irridkii Sayidka hase ahaatee waxaa Sayidkii soo fariistay siddeeddii saacadood, halkaasoo uu amar ku bixiyey inaan Calimaax ma’ahee cid kale u soo geli karin. Cali baa hadalkiisii ku bilaabay

“Sayidii waad salaaman tahay salaaxiinta aabbeheedow.” “Waad salaaman tahay ee Cali soo fariisoo ii warran”, baa Sayidkii yiri. Cali baa markaas yiri, “Sayidii kuu warramay horta doonni baa ila degtey kase nabadgalay, waxaana ii raacda inaan kuu sheego inaan Cadan tegey, meel la yiraahdo Laxajna waan u dhaafay, Maakhirkoostna waan soo waraystay sidii ballanku ahaa.

Haddaba, Cadan iyo Laxaj waxaan ku soo arkay gaasas badan oo askar Ingiriis ah, iyo guutooyin kale oo isugu jira askar madow iyo askarta timaha qadaadka ku leh ama aynu u naqaanno Qadaadweyn oo Hindiya ka yimid. Ciidamadaasoo dhan waxaad moodaysey in loo soo qabanqaabinaayey inay ciyoon duullaan dalkeena iyo Daraawiish ugu soo baxayaan.

Waxaan kaloo soo arkay oo aan la yaabay garanna waayey, wax cirka duulduulaayey oo gorgorkoo kale ahaa. Haddii aan aad u xansadayna waxaa laygu sheegay magacooda dayuurado

.” Sayidkii baa markaas dooyadii iska furay intuu dareen galay oo yiri, “Cali maxaad u malaynaysaa in lagu isticmaali karo dayuuradaha aad sheegtay? Mase laga yaabaa inuu Ingiriis ina kula dagaalamaayo markaynu dhulkii kaga adkaannay kuna curyaaminay? Sideese baad u malaynaysaa bay ugu dagaalami karayaan dayuuraduha aad sheegay?

Waxaan uga jeedaa maxay dayuuraduhu soo ridi karaan?” Calimaax baa markaas jawaabay oo yiri sidaan warka ku helay, “waxaa la yiri bamam iyo rasaas bay ku soo ridaan dadkay laynayaan.” Wuxuu kaloo Calimaax warkiisii ku daray in diyaaradahaas laba nin kaxayso isagoo midna yahay duuliyaha kan kalena yahay kan waxay ku dagaalamayso tuura.

Mar Alla markuu Calimaax warkiisii dhameeyey waxaa lagu hambalyeeyey oo lagu gacan saaray hawlihii loo diray oo uu sida fiican u soo qabtay, waxaana loogu abaalguday oo la siiyey gabar uu dhalay nin Khusuusiidii ka mid ahaa oo isla markiiba loo dhisay.

Waxaa kaloo la siiyey hal senge oo midabkiisu baroor ahaa iyo Kadin geela oo laga soo xaf gooyey fadhiyadii geelasha fadhi ka mid ahaa. Waxaana dhacday in isla markiiba madaxtooyadii Daraawiishtu fadhi yeelatay, si ay xeeladihii iyo tabatabayntii duullimaadkay damacsanaayeen u dejiyaan, ugana gaashaantaan ciidamadii gumaystaha oo lagu soo sheegay Cadan iyo agagaarkeeda.

CAWRALA IYO DUXASHADII JACAYLKA

Iyadoo Cawrali isha gelisey Calimaax doornimadiisii ugu horraystii uu doonnida cagta soo saaray markay marsada Cadmeed ka soo fuulayeen, haasaawihiisiina dhegta ka maashay habeenkii iyo maalintii u horreysey, isla markaasna ay u raacdey mahaddiyo abaalkay u haysey badbaadadii uu ka soo badbaadiyey baddii markay doonnidii la degtay isagoo qiyaastii dusha ku sidey toddoba iyo toban saacaddood, ayaa jacayl ku abuurmay Cawrala oo mar alla markuu ka dhaqaaqay oo uu nabadgeliyey la arkay iyadoo isla habeenkiiba hawsaysa oo ku selelaysa Calimaaxoow, Calimaaxoow intay sariirtii ka soo dhacday!

Waxaa dhacday in markii waagii beryey la waydiiyey waxay ugu hadaaqaysay Calimaax. Waxay tiri “waxba kama ogayn, waayo ruuxna ma ogaan karo wuxuu isagoo hurda oo sardho ku jira ku hadaaqaayo, waxaase laga yaabaa inuu afku iga xaday riyadaan ku riyoonaayey Cali oo isagoona igu riyoonayaa oo aanu markaa riyadii ku haasaaweyno.

Markay ahayd barqa gaaban ayaa waxaa u soo wareegtay Saluugla, iyadoo ay u saarageli weydey inay hore ugu timaaddo, sababtoo ahayd daalkay soo daashey, ayey gataati dhacday oo soo toosi weydey.

Haddii in yar la wada fadhiyey aqalka ardaagiisa oo ay Cawrali ku milicsanaysey ayaa Saluugli hadashay oo tiri “Cawralaay waxaan ka xumahay gabartii doonnida in kula jirtey oon soo nabadgelyo bixin.” Cawralaa jawaabtoo tiri

Qore

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *