Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 13aad

Spread the love

Haddabam ha nacasoobin oo hanna jabin oo hanna waasiin xoolahaas aanu qaarkood gabbaati u sii qaadannay kaliishii dhoweyd. Midse waan kuugu garaabayaa oo waxay tahay ninkii badda kaa soo saaray wax loo abaalgudo waa yahay,

hase ahaatee ninka hadda Xarunta iyo Taleex jiraa muxuu kaa ogyahay, iska illow oo danahaaga ka raac. Tu kale waxaan maqlay inaad gabaydide bal anna i maqal waxa ku hayaan weer ka oranayaaye.

Cawrala Barraay Calimaax, calan laguu saarye,

Wuxuu kaaga cararayba, waa cabashadaadiiye,

Cureejaa laguu dhigi lahaa, kun iyo caycayne,

Cood baa laguu dhaqi lahaayoo, ma caddilaanteene,

Cayaaraa laguu tumi lahaa, cis iyo maamuuse,

Cawadaada eed wadigii, been cawaansadaye,

Cawralaa markaas ku tiri walaalkeed “horta Dalmaroow adigaa iiga dhow aabbe iyo hooyo oo aad moodda inaad in yar garasho u leedahay jacaylkan i haya, balse inta kaa dhimanna aan kaa dhaadhiciyee i dhegayso.

Dalmarow warkaagii              dabeebtaadi heesaha

I durtoo                                   i damaqdoo

Doqoni sokeeyiyo                    dulmar hadala seegtoo

Dacalkiyo agteedaa                loo dalag dhigaayoo

Anse daaqsin geel baad         iigu dabartay maansada

Wuxuu hadal dux leeyahay     daliilkiisa sheegtaye

Bal wax kaa dahsoonaa          aan debinta saaree

Ha u qaadan deelqaaf

Waa doog jacayloo                 waa dab iyo naaroo

Waa danab sidiisoo                waa walax dadyahanoo

Waa dabaylo gaaroo              anna ma doonan heedhee

Dar alluu ka yimiyoo               malag duulayaa siday

Isagaygu duraayoo                  i dul keenay maandhow

ma dow baa walaalow           inaad igu dagaashaa?

Duunyo layga doortaa             urug aan deddoodaa

Waa doog jacayloo                 waa dab iyo naaroo

Waa danab sidiisoo                waa wax dayahanoo

Waa dabaylo gaaroo              diirkiyo laftuu xulay

Beerkuu dalooshaday             feeraha dareersani

Wey wada damqanayaan       darbaddiyo xanuunkaan

La daalaadhacayaa

Haddii deeq laguu dhigo         damcaddeed saluug tahay

In kastay dulbaaxiyo               darib saafi ay tahay

Ogoobay dul hoos                   uurka uma degaysoo

Waa dacar qaraaroo               waa timirta doocaan

Waa doog jacayloo                 waa dab iyo naaroo

Waa danab sidiisoo                waa walax dadyahanoo

Waa dabayla gaaroo              dawadiisa waayeye

Ma aroos daadduucaan          dullinimo u yeelaa?

Mise daad i qaadyey               duurgal baan ahaadaa?

Dugaaggaa habqamayiyo       deeradaan la dersaa

Ma duulaaye Mariskaan[1]        i daadahee iraahdaa?

Diirad buu wataayoo              dalkuu waayo tegey baan

Ii dawi iraahdaa?

Daayinow Allahayow              Adaa daa’imaayee

Inta dunida maanta ah           dabiibkay na kulansii.

DUULLAANKII DARAAWIISHTA EE “BADDACAS”

Mar loo malaynaayo inay taariikhdu qiyaastii ahayd bishii Nof. 1916kii ayaa Seyidkii duullaan uu magaciisa qarsooni ahaa “BADDACAS” oo uu xeeladdiisa dejiyey markuu muddo dheer dersaayey ku saaray xeebahaas Maakhirkoost.

Maakhirkoost waxaa lasyku yiraahdaa magaalada Xiis, Laasqoray, Maydh, Ceelaayo, Qaw iyo Boosaaso.

Duullaankaas waxay tallaabadiisa labaad ahayd marka magaalooyinkaas daraawiishtu qabsato, inay isla markaas gacanta ku dhigaan waxa doonyo marsooyinkaas dhigan.

Doonyahaas waxay daraawiishtu la damacsanayd inay ciidan ku gurto oo markaas Baddacas kaga gudubto ilaa magaalada Cadmeed,

dabadeedna ciidamadii Ingiriiska oo halkaas fadhiyey ku soo baabiyaan iyagoo warmaqabto ah.

Haddaba, bacdamaa Calimaax ahaa ninkii Cadan soo ilaaleeyey meelihii ciidamada Ingiriisku degganaayeen, isla markaasna uu ahaa nin badaha aqoon dheer u leh, wuxuu amar hoose ku qabay.

isagoo abbaanduulihii keliyi la ogyahay in mar alla marka la qabsado magaalooyinkaas uu ciidan u gaar ah oo soomajeestayaal ah doonyihii ku guro,

oo kaga dejiyo habeen labaadka buurta la yiraahdo Jabalshamsaan dhankeeda cadceed ka soo bax, halkaasna uu weerar kaga qaado ciidamadii Ingiriiska intaan waagu u beryin.

Ciidamadii Daraawiishtu waxay ka baxeen Taleex taariikhdaas sheegan iyagoo toobinka haya, wuxuuna ciidankaasi u kala baxsanaa saddex madax.

Madaxa hore waxaa la oran jirey Maarraweyn wuxuuna ka degey dhabbada Tabca isagoo beegaayey Xiis, Maydh in Conqor.

Madaxii labaad oo ahaa Indhabadan wuxuu ka degey Geeldoora isagoo beegaayey Laasqoray, Ceelaayo iyo Boosaaso, kii saddexaad oo ahaa Garboh wuxuu ka degey laba dhaxaaddii labadaas ciidan u dhexaysey ee dooxada Jiidali ku beegan.

Haddaba, Calimaax wuxuu ka tirsanaa ciidankii labaad ee Indhabadan la oran jirey, beegayna dhanka ugu bariyeysa.

Sida la ogsoon yahay ciidamadii Daraawiishtu toddoba maalmood bay ku qabsadeen magaalooyinkii xeebaha kuna baabiyeen ciidamadii gumaystaha iyo kuwii la socdey.

Waxse nasiib derri ahayd oo fuli weydey xeeladdii duullaanka tabatabaynteedii labaad oo ahayd in doonyaha marsooyinka dhigan oo dhan gacanta Daraawiishti ku dhigto oo magaalada Cadmeed ciidan loogu gudbiyo.

Taasna waxaa u sabab ahaa dadkii doonyaha lahaa oo Daraawiishta ka soo horjeeday, ayaa markay u caddaatay inay jabeen berrigiina lagaga adkaaday la baxsaday doonyihii, iyagoo u qayla geynaaya Ingiriiskii Cadan iyo Berbera fadhiyey.

Qore

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *