Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 12aad

Spread the love

Calimaax waa af gartay Wacays oo shirkii buu iska dhegeystey isagoo walaacsan oo ka fekeraaya waxa warqaadda ku qoran. Nasiib wanaag, in yar dabadeed ayaa shirkii ninkii guddoonshaha ka ahaa xiray oo gartii dhammeeyey.

Sidii ballanku ahaa markii la dareeray ayaa Calimaax iyo Wacays is raaceen, oo haddii in yar la wada socdey Calimaax yiri, “Wacays ina keen guriga aad warqaadda iigu akhridide.” Wacays baa markaas ku jawaabay,

 “Caliyow tanu mid gurigaagan laguugu akhriyaayo ma’ahee cidladaas inoo leexi.” Cidladay u leexdeen ayaa Wacays warqaaddii u akhriyey Calimaax.

Calimaax markuu tixdii u horraysey ee warqaadda ku tiillay maqlay ayuu afka gacanta saaray oo hareerihiisii deydeyey in cid kale dhegeysanayso. Hadduu amminkiiba gartay in waxa meesha ku yaal uu jacayl yahay asaanay ku habboonayn in seeddigiis u akhriyo, ayuu yiri,

 “bes! Wacaysow waa kaa dhantahay.” Wacays dheg uma dhigine warqaaddii buu ilaa dabo ilaa dacal akhriyey, markuu dhammeeyeyna intuu galkeedii ku celiyey buu jeebka shaarka ugu ridey oo ku yiri

 “Calimaaxoow maanta ka dib waxaasoo kale xididka hawla iman, haddii kale xaal gola jog ah baa ku qabanaaya.” Calimaax baa markaas yiri “hadduuba I hayaa oo ay tahay adigu aad joogtide inaan soddoggii xaal degdeg ah oo hoos ahaan ah siiyo.”

“Aday ku jirtaa” baa Wacays ku yiri, “waayo adoo kale wax looma sheego.” Calimaax baa markaas yiri, “Wacaysow kuguma raacsani inaan anoo kale wax loo sheegi karin, waayo waxaa ii muuqata inay wax akhri iyo wax qoris la’aantu yihiin jaahilnimo weyn oo doqonnimo iyo dullinimo ku jirto.

Waxaa kaloo ii muuqday maanta inay jaahilnimadu tahay gudcur iyo mugdi kaa daaha ifka iyo adduunkaba, oo dullinimo kalena aanay jirin iyada ma’ahee.

Waxaa kaloo ii raaca intaa oo aan shaki ku jirin in nin kasta oo karti iyo raganimo u dhashay ay raganimadiisu dhaliilan tahay kalana dhantaalan tahay mar hadduu jaahil yahay,

waxaana ii marag ah danqaarihii, ceebtii iyo nacasnimadii maanta xididka hortiisa iga raacday. Waxaanna ku leeyahay Wacaysow ninkii waaya arag ah waxbaa lagala haraaye i maqal oo weertaydan waanada ah ha sii deyn.”

Wacaysow nimaan wax akhriyeyn, waafi noqon waaye,

Weeraartan madan loo fadhiyey, wadhi ka raacdaaye,

Warkiisiyo sirtiisoo dhan baa uunku weriyaaye,

Sidayduu u wiiqmaa haddana, sharaf ku waayaaye,

Sidayduu waraabaha wahtami, wax uga roonayne,

Sidayday wadartiyo yasaan, xididka waayeele,

Waanigaa waxaan warac ahaa, wegetan liicaaya,

Oo way iyo wayey wanigaa, wahantan weydooday,

Oo wax aqoon la’aantay gu wacan, inaan wadeecoobo,

Hadduu waagu nabad ii beryaan, la’I weldaamaynin

Eebbe waaxid weeyee, haddaan wed iga soo gaarin,

Wawgiyo higgaaddaan ka baran, berry wadaadkiye,

Wallaahaan ku dhaartiyo Ilaahii Waaxidka ahaaye,

Culimada wareegtaan ku oran, weylun ii dhiga’e,

Wahsanmaayo jeeraan akhriyo, weedh la soo diraye,

Waxes waanaday tahay haddaan, waaya aragoobey,

Oo aan waraaqihii jacayl, weer ka kicin waayey,

Wax bartaay wax garab baa adduun, berri la weydiine.”

Markuu Calimaax dhammeeyey gabaygaas uu ku tusaalaynaayey seedigiis jaahilnimadu fool xumada iyo dullinimada ay u leedahay dadka uu kuna ballan qaaday inuu aroortii waxbarasho bilaabayo, ayuu ku yiri seeddigiis “Wacaysow odaygii intaanaan isu iman xaal hoos ahaana iga sii gaarsii.”

Wacays baa markaas Calimaax ku yiri “waa tahaye, illayn innaga waxba innooma kala qarsoonee, oo rag isku ayniyaynu nahaye maad xaalka iiga warrantid.” Calimaax wuxuu ku jawaabay

 “waa runtaa Wacaysow Soomaalidu waxay tiraahdaa, nin qoyani biyo iskama dhawro, balse hadda waan siyaysanahaye mar kale haynoo ahaato oo inna keen hadhimo tagnee.”

Halkaasaa lays raacay iyagoo aan ninna nin la hadlayn labadoodii ilaa ay tageen gurigii Calimaax oo halkaas lagu wada qadeeyey, isagoo haasaawihii iyo hadalkii Calimaax aad ugu yaraaday.

Siduu Calimaax ku ballan qaaday inuu waxbarto oo aan warqad dambe loogu akhriyin ayuu markii waagii beryey macallinkii dugsiga Xarunta u tegey oo inta loox la siiyey loo bilaabay alif, ba, ta, ja, xa, mudda yar dabadeedna wuxuu gaarey heer fiican oo uu waraaqihiisa ku akhrisan karo.

Iyadoo Cawrali war iyo wacaaltoona ka weydey in Calimaax warqaaddii gaartay, hadday gaartayna waxay gayeysiisey ama badday, ayey had iyo jeer nafteeda ku samirsiin jirtey inay haddaanay maanta war ka helin, ay ka heli doonto berry ama saadambe ama saakuub.

Nasiib darrise waxaa dhacday wax war ahi waa ka soo noqon waayey Calimaax, Cawralana jacaylkeedii qarsoodigii waa ka baxay oo dadkii magaalada degganaa oo dhan ayuu ku baahay ilaa labadeedii waalid iyo walaalaheedba ogaadeen.

Markii saas loo ogaaday ayaa maalintii dambe iyagoo walaalkeed Dalmar iyo hooyadeed fadhiyaan aabbeheed u yeeray oo ku yiri “

Cawralaay aabbe waa maxay waxa lagugu sheegsheegayaa miyaananse kuugu ducayn ninka la yiraahdo Geelle oo laba boqol oo geela leh, sidee baad jacayl iyo wax xille ula timaaddaa oo lagaaga maqlaa.

Waxaan ku leeyahay maanta ka dib waxaas iyo wax la mid ah yaanan kaa maqlin haddii kalese dayraad iga tahay ee ogow. Waayo anigu waxaan ahay nin xishoonaaya oo aan oggolayn in markaan golayaasha tago in lay yiraahdo waa kii gabartiisu ninka jeclaatay.

Ugu dambaystii waxaan ku leeyahay waa geeri baabi’inaysa gurigeenna, haddii waxaas dadku inna ku maqlo ee iska jir maanta ka dib oo yaan lagaa maqal.”

Haddii odaygii dhammeeyey hadalkiisii ayaa hooyadeed qaadatay hadalkii oo tiri “heedhee, gabadha Cawrala waan ka goblamay waana layna ka beddeshay oo iyadii ma’aha, waayo waa xishoon jirtey, balse maxaa annaga iyo jacayl isu kaaya keenay,

 weligey waa kaas aabbahaaye ma oran waan ku jeclahay, anigu afkayga ma soo marin karo eraygaas baase, oo! oo! oo! Waa waarey gabadhani waxbay la timid oo baddii baas baa laga soo raacay.”

Markay labadii waalid dhammaysteen canaantoodii ayey isaga tageen Dalmar iyo Cawrala iyadoo ilmadu ka tililikh leedahay labada indhood. Walaalkeed Dalmar baa markaas ku yiri

 “Cawralaay wax xun baad samaysey oo dhegtayadii baad dishey oo haddaadba nin aan dalka joogin oo meeshaas iyo Taleex jira u baaqday, haddaba waxaan ku leeyahay miyaadan maqal in aabbeheen loogu ballan qaaday boqol geela oo baarqabkoodii ku doobinaayo iyo wax alla wuxuu doono oo yarad ah.

riix link gan

https://www.muuqaal.net/

Qore

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *