Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 5aad

Spread the love

Kalluunkeennu waa socoobaanka iyo, sodon kun oo jaade,

Seerseer macaanow lebediinku waa, ugu sarreeyaaye,

Oo Sallalaahu nebigii ayaa, sef ku gawracaye,

Saxal iyo abaar kuma kacdiyo, samo kaliileede,

Ma saanyado col duulaa hadduu, sarida kuu deexan

Saxar cuduri saymaha adduun, abid ma saysaansho,

Ninkiise saansaanyahay yaqaan iyo badaha saamkooda,

Oo subaxdii horeetaba kacoo, seebka taranteersha,

Waa sahay daleelaha u taal, saacad dabadeede,

Nin saboola iyo maalqabeen baa,  sadho dhex taallaaye,

Waxse loo simay waa kalluun, sebi un baa mooge,

Waxa uu nafaqo siinayaa, jiidh solmoo tegeye,

Badda seylac saaxiyo Berbera, tan iyo Seyhaaba,

Waxaa sare iyo hoos ku jira waa sareedade,

Soomaali baan garan intey silic ku noolayde”

Markii Cali gabaygaas dhameeyey ayaa murwadii saluugli ku tiri Cawrala, “naa Cawralay maxay kula tahay waadigii faalle had iyo jeer ka bixin jiray hadduu Cali eray yiraahdee? Mase ku raacsan tahay wuxuu kalluunka ku ammaanay?” Cawralaa markaas ku jawaabtay,

“waan ku raacsanahay inuu kalluunku leeyahay faa’iidooyin badan, laakiinse aanu dadku ogayn sida Calimaax u sheegay, waxaa Saluuglay dhicidoonta sida dunidu ku socoto oo dadka tiradiisu u kordhayso maalinba maalinta ka danbaysa inay cuntadu iyo xooluhu dadka ku yaraan doonaan, oo markaas laysugu iman doono kalluunka iyo waxa badda ku hoos jira.

Markaas Calimaax rayiga iskaga raacimaayee waa nin wax garada ah oo ka gar jooga ninka kalluunka diiday isla mar ahaantiina aflagaaddo u geystey wixii cuna”.

Dharaartaas gelinkeedii danbe baddu waa yara kacsanayd oo hadba doonnida hareeraheeda ayaa mawjaddu tarshadda ku soo dharbaaxaysay,  waxaadna moodeysay inay mar walba marka ka dambeeysa karkeedu soo kordhayey cirkuna dheeraad buu u cusbaa oo goortii gabbalkii dhacay ayaa daruuro iyo dabaylo yalax qabow ahi dhanka bariga ka yimaadeen.

Markii makhrib la tukadey ayaa murwo Saluugli tiri, Cawralay waxba garan maayo oo caawa haasaawihii ragga maqlimayno, iyadoo laga yaaba inay sabab u tahay dabaysha xoogga leh iyo duufaanta dhacaysa. Wadigiina Cawralay saaka salaaddii ku ballan qaaday inaad jacaylku wuxuu yahaynooga sheekaysid ee bal halkii ka wad”.

Cawralaa tiri “waatahay Saluuglaay i dhegaysta adiga iyo geelada kale, waxaanse idiin horreysiinayaa inaan hore jacayl ii qaban, hase ahaatee illaa shalay galab waxaan u maleeyey inuu isaga yahay baa i haleelay, oo waa sida dacarta qaraarka ah, oo misana dhabaqeeda sare macaan yahay.

Markaad weydo waa hoog iyo ba’ iyo leelleel oo lahbi laabtaada geliya aadan ka ledi karayn. Markaad heshid waa sida deeq hagar la’aaneed oo waa sida dhuuni aad u baahnayd oo dheef iyo dhaqaale kuu tara.

Xag kalena haddaan ka laba rogo waa sida dooggiyo xareediyo saxansaxada udugeed, haddaan laguu ogayn waa geeri iyo cudur caato kuu dila eh.  Haddaad heshid ood hantid waa faraxii naftaadiyo raaxadii adduunyada. Saluuglaay miyaadan maqal maahmaahdaan?[1]

Afar waa mugdi,

Afar waa maradhaamo,

Afar baa ka macaan,

Afarna wawga maso.

1.         Abaari waa mugdi

Cawsna waw maradhaamo

Doog baa ka macaan

Ninna wawga maso, oo waa ninkaan cood lahayn.

2.         Colaadi waa mugdi

Ergona waw maradhaamo

Nabad baa ka macaan

Ninna wawga maso, oo waa ninkii ku dhintay.

3.         Habeen waa mugdi

Dayaxna waw maradhaamo

Maalintaa ka macaan

Ninna wawga maso, oo waa ninkii indhoole ah.

4.         Hammadi waa mugdi

Guurna waw maradhaamo

Jacayl baa ka macaan

Ninna wawga maso, oo waa caamadaan garanayn.

***

Markay sheekadii halkaas u mareysay oo ay tahay abbaara tobankii habeennimo ayaa moosinkii iyo dabayshii soo kordheen oo hadba sidii dhibic roob badii shaxshax ku soo tiri doonnida gudaheedii, baxaaridiina maaweredda gurtay.

Eraygaas maawered waxay baxaaridu ku samrisiisaa dadka rakaabka ah, waxayna yiraahdaan marka baddu darbadaysan tahay oo heeraabka hore ee doonnida iyo mawjaddu kulmaan, biyuhuna sare u kacaan oo dib ugu soo dhacaan  doonnida dusheeda iyagoo sidii dhibico roob ah.

Naakhuudihii iyo sareenjigii waxay amar buuxa ku bixiyeen in badmaaxyadii iyo wixii doonnida ku jiray oo dhammi heegan ahaadaan, khaas ahaanna raggii hawlaha gaarka ah lahaa, oo ay ka mid ahaayeen ninkii wadeenka ahaa ama shukaanta hayey, iyo raggii biya dhuridda lahaa. Waxaa muuqatay inuu naakhuuduhu ahaa nin dhibaatooyin iyo danqaara badan soo galay dhawr jeerna doonyo la degeen ama la sigteen.

Sidaas darted wax aragagaxa oo ay gelisay baddii kacday ma jirin, inkastoo uu maleeyey ama ilaadiyey siday daruurtu cirka ku ahayd inaanay sagleela la’aan dhacayn.

Iyadoo rag iyo haween wixii doonnida ku jiray werwer iyo walaac ka galay siday baddu ahayd cirkuna jaha walba uga soo awdmay, ayaa Cawrali hablihii ku tiri, “hablow maxaa mid waliba ku dardaarmaysaa, waa intaasoo doonnidu degtaa oo mid ina ka mid ahi noolaataa labana dhimataa ama midina dhimataa labana noolaataaye”

Qore

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *