Xusuus iyo Murugo part3

Spread the love

muduo markii ay ka soo wareegtay xariirkeeni, waxaa habeen habeenada ka mid ah ay iga soo wacday tel ka, ayada oo igu leh waan yara mashqulay baby sorry ma aana kuu soo sheegin, hoolbaan ku mashquulo, maba aana joogin xaafada iyo halkii aan ku kulmi jirnay, dhib uma aana arkin is badalna uma aana dareemin, balse nin aanwax ogeen alle ma cadaabo, Tinish waa nin wa hore laga tashaday,

mudo kadib ayaan soo baraarugay, oon iri saan shaqo kaliya mahanee waa maxay fitnadan imaatay, oo honey aad u maqli la’dahay waxaan u diray Tel waa ay iga qabatay lakin ma calfan in ay ila hadasho markii ay maqashay codkayga, ayna fahantay in aan aniga ahay,

hoosha waxayba u badashay Anser meshin oo la igu yiri IDIL ma joogto wixii fariin aad u heyso halka ugu dhaaf waxaa igu baryay waaga waxaan is iri shalayba markii lagu rabay mala weynin waqti iyo firaqo fariin la igu soo gaarsiyo mana jirin tel la iigu xiro mashin ama la igu dhageesto,

ee maantay marki la iga daba tagoo la ogaaday in aana ka maarmin miyaa waqti la’aaniyo broblem imaaday, waxaan fikiray E-mail baadi goob ah in aan udiro islma markaana aan ku ogaado halka fitnada ay ka socoto iyo cida

mas’uulka ka eh , aniga oo leh ,,

walaaley sanku neeflaha oo idil,

Intuu Alle uumay, subaxaan tii ugu sarreysay

samaantii u dhalatay suuraddaada wacaniyo

Sidii qaabkii xuurul cayntii,

sunniyaha indhaha iyo sanqaroorka shuban, iyo

sinnaanshaha ilkaagiyo, si markaan u eegaba

In leygu saaqay ma ogtahay, suntii jaceylkaa I gaartoo

seben hore I haleeshay, hadaadan I saacidin

caashaqa si wanaagsan aadan iila qaban

maxaa ii danbeyn doono ?

aduunkaanu joogno hadduu qof ku amaano

abaal uu kuu galo Lama ag maro,

asaagey ayaad tahay, Ifka aan ku jeclahay

dadkaan kaa ishaartay kaa arkooday dumaro koo idil

Ee daadka caashaqaa Igu beertay,

afka ka awoodi waayey uurka siduu tebaayo,

aduunyada Illaaheey marba waa ayaan si ah

aadamigu sidiisana qofba waa ayaankii

mar buu anfac leeyahay !!

mudo markii aan aqbaar ka waaye IDIL anigana aan u xiiso qabo baa, waxaan maalin maal maha kamid ah isku aragnay MSN ka, iyada oo igu qancineyso in ay hooyo xanuun satay isbitalna ayla gashay waxaan ahay ruux ubaahan gabadha, qalbigedana aan ka maarmin, ma awoodo in aan xanaaqo,

 ma awoodo in aan qalbigeyga nabsi aan ka galo, oo xumaato iyo is fahandaro aniga iga timaado, uu ku waayo gabadha waqtiga dheer uu u dhafraaye, una duleesnaa, waal kiisan ku iloobay, isla markaana aana ku dhihin wax xanaaq leh iyo cuqdad iyo edeeyn intaba, ee waxaan ku qancay warkii ay igu tiri balse waxay iga diiday wax aan ka codsaday, waxaan ku iri baby isma aana maqlin ku dhawad 5 week, taasna waa ii ayaan daro, waxaan ka codsanaa in aad isoo wacdo hada, marka aad qadka ka baxdo, lakin waa maalinti iigu horesay ay igu tiri hada anaaba kula jogaa he maxaa ku falee Tel,

waa filin iyo fitno bilow geed aniga oo is dajinaayo baa waxaan ku iri honey, halkani waa qoraal sida aad ka ahina iskuma dareen siin karno dhawaca yada jaceyl, daawoyinkooda ee isoo wac waad ku qasban tehee,aniga saas waxaan u leeyahay waxaan heystay, kalsooni la igu maqlo, codsigeygana lagu tix galiyo, lakin nin waa hore filin kisa la laabay in aan ahay isma ogi ,

si kaftan ah lakin aana kaga baran iyo fara kacayaar bay igu tiri bro ma haayo waqti aan kugu soo woco, lakin waan ku soo wici doonaa !! hadii alle musiibo kula maago waa gooni lakin waxaan la yaaba nahay wajigan qarsonaa ee caawa soo if baxay, si naxdin iyo dhidid leh baan ku iri honey

Go’aan aynu gaarnay hadal aan guntiisii kuu soo gabagabeeyay goormuu gefkani dhacay, guul baan filayee godol baan ka sugayee goormad fitnada ulabisatay , miyuu guray wanaagii..? ma adaa gooyay nabadii.? mise nacab gur-guurtoo godobteena jeceloo ina kala gudbinayaa jira,

anna geerideydiyo guul darrooyin ila raba, adna gacan shisheeyiyo in aad guurba seegto guumowda kula raba, si qosol leh oo ana kaga baran IDIL in ay ii isticmasho aniga ay tiri loooolkkkkkkkk

waad hadleysa weliba waxaa ku fiican tahay in abwaan lagaa dhigo bro aniga waan fikiray weli sidagan oo tar tiib ah aan u fikiray, waxaana ii soo baxday in aana is haleyli karin maxayelay aniga waxaan rabaa boy friend kayga in uu akta iga fadhiyo kol kasto oo aan isku baahano mana awoodo intaan ka badan in aan ku sii lug gooyo , ee sorry bro ,

qore Abwàaan # c /qani axmed

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *