Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 11aad
Calimaax, waxaad iga guddoontaa salaam kalgacal oo kasha iyo laabta ka soo go’day. Waxaad kaloo iga guddoontaa mahad weyn iyo salaam uurka ka soo baxday. Intaas waxaa ii raaca inaan warqaddan qoriddeeda bilaabay saddex jeer oo haddana saddexdiiba jeexjeexay, ilaa ay ugu dambaystii iga soo go’day inaan illawba ilaa kuu soo diro taboo ah tii afraad oo jeexjeexiddii ka nabad gashay.
Ka maaggiddaas aan ka maagmaagay warqaddanna waxaa iigu wacan welwel iyo walaac iyo waxaan garanwaayey oo ila soo dersey ilaa maalintii aragtideennu kow isu ahayd, ee ishaydu kugu dhacaday laabtayduna ku raacday, oo ay isla mar ahaantii nafsaddaydu ku doontay.
Haddaba, ugu horraystii waxaan jeclahay inaan kaa is xusuusiyo waa intaasoo aad i illawsantahaye inaan ahay gabartaad huuriga ka soo wada raacdeen dekedda Cadmeed oo markii doonnida la soo koraayey aad gacanteed midig ku taageertay taada midig, dabadeedna doonnida soo wada raacdeen.
Magaalada Cadmeed maalintaan, casar ka soo dhoofnay,
Waxaan ahay middaad caawintood, cudud taageertay,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye,
Waxaan ahay mid habeenkii koowaad oo ay doonnidu guuraha ahayd dhegaysanaysay haasaawahaagii iyo gabayadaadii macaanaa murtidana lahaa, ee adiga iyo odaygii Nuur Ciise la lahaa idin dhex maray,
khaas ahaanna dheg u lahayd xifaalayntaadii ku saabsanayd habkiyo hannaankay reer miyigu kula dhaqmaan hablahay guursadaan iyo murwooyinkey qabaan.
War cilmigiyo haasaawihii, lagu caweynaayey,
Waxaan ahayd codkaad tiri miduu, cudur geyeysiiyey,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,
Habeenkii labaad ee baddu kacday oo roobkii mahiigaanka ahaa ee onkodka, hillaaca, iyo hanqarka badnaa da’ay doonnidiina degtey, waxaan ahay tii kuu baaqday oo aad gacan qabatay iyadoo baaxaadegaysa dhawr jeerna hafatay.
Baddoo cartay mayeygaad ogayd, calool xumaantiisa,
Waxaan ahay cadraddaad siddoo, calaf u laabnaaye,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo caashaq dhibayaaye,
Waxaan ahay mid abaal iyo mahad weyn oo aan la koobi karayn uurka iyo laabta kuugu haysa, biimahaad ka badbaadisay adoo dusha ku sidey muddo aan toddoba iyo toban saacadood ka yaran,
aadanna ka daalin sidneedkeedii ilaa aad berriga nabadgeliyo keentay inkastoo hambabarooyinkii iyo libaaxii badeed ina seegeen dhowr jeer.
Waxaan ahay cirkoo hooray, iyo caadka oo kale’e,
Waxaan ahay casaan raaca iyo, midab casaawiira’e,
Waxaan ahay canabkii ka baxay, Calihii doognaaye,
Waxaan ahay carfoon iyo udgoon, iyo cadarkii Baariye,
Waxaan ahay mid kuu cabatayoo, caashaq dhibayaaye.
Waxaan ahayd haddii runtii lagu arooro, Cawrala Barre oo ah middaan sheegay oo isheedu iyo laabteedu ku raaceen aragtideedii u horraysay, oo aad shaki la’aan nafteeda iyo ruuxeeda leedahay, aadanse adigu ogeyn,
iyaduse had iyo jeer, habeen iyo dharaar, hurdiyo soojeed kugu hammiyeysa oo jacaylkaaga iyo kalgacalkaaga oo jiidhka iyo lafaha galay aawadood, oon iyo anfaco diiddey.
Waxaan ahay midaan cunin cuntada, calafka sooreede,
Waxaan ahay mid cadanyootayoo, cidihii dayrsheene,
Waxaan ahayd mid caynkaaga iyo, caaqil mehershaaye,
Ugu dambaystii waxaan ku soo gabagabaynayaa warqaddaydan oo intaas ii weheliya Calimaaxoow, dayax buuxa nuurkiisa lahaayow, man galool uduggiisa lahaayow, waqayga Caleed iyo waadhida Hawdow, waagoo beryaaya wajigiisa lahaayow,
mayey hooray hanqarkiisa iyo hillaaciisa sansaanshow, balanbalkoo dildillaaciyo midabka balanbaalista lahaayow, markii aan saxariiray saacii i qabtow, Soomaaliyi quruxdeeda sinji bay ula lahayde sunnaari la moodyow,
sed bursiimo lahaayow, in aadan marnaba arrinkan aan kuu soo qoran yaraysan, ee aad si degdeg ah war iigu soo celisaa ama aad i soo gaartaa aan aniguna raaxada adduun maqsuudee adiguna aad muudsatee macaankii iyo roonaantii ay murwo u roonaan jirtey mudanaheeda.
Casarkii haddaan weel la culay, caano kugu siiyo,
Cishihii haddaan sarar cusbaale, kugu cashaysiiyo,
Oo waa caafimaad rage haddaan, cagaha kuu duugo,
Asaadan caloosha igu hayn, Caliyow yeelkaada.
Waxaa iga dardaaran ah, haddaanan war buuxa ciyeen kaa helin inaad adigu wixii kalgacalkaagu i gaarsiiyo masuul ka tahaye bal ogow.
Ogoobey haddan dayuxu jirin, dirir ma nuureene,
Ogoobey haddaan daaqu bixin, duunyo ma foofteene,
Ogoobey haddaad diiddo, waan degel baxaayaaye,
Oo hal iga dardaarana Calow, debinta maan saaro,
War diifta aan qabo hadday, digasho ii raacdo,
Waynoo daartii aakhiro, iyadaan cidina deyneyde.
Waa Gacaladaa Cawrala Barre,
ee deggan magaalada Xiis Xarrago.
***
Halkaasay warqaddii u dhiibtay nin la yiraahdo Shirwac oo raggii Xarunta qabanaayey ka mid ah, iyadoo kula ballamaysa inaanu cid kale u dhiibine farta ka saaro Calimaax, waxayna raggii sii dhexeen afar habeen ilaa Taleex.
Haddaba, maalintay tageen Taleex maalintii ku xigey markay abbaara tobankii aroornimo ahayd oo ay Jimce tahay ayaa ninkii warqadda sidey raadiyey Calimaax. Wuxuu doondoonaba wuxuu ka helay isagoo madan lagu shiraayo dhex fadhiya oo shirka wax kaga jira.
Shirwac wax kale ma yeeline shirkii buu dhex maaxay ilaa uu Calimaax warqaddii fart aka saaray sidii ballankii ay Cawrala isku ogaayeen ahaa.
Darxumo, waxay ahayd Calimaax sida wax loo akhriyo ama loo qoro midna ma aqoon, haddaba waxaa jirtey warqaddii inuu u dhiibey si uu ugu akhriyo ninkii barbarkiisa midig fadhiyey, oo nasiib darri ahaa soddoggiisii cusbaa oo uu mudda yar horteed gabarta ka guursadey, lana oran jirey Sugulle.
Waxaa dhacday markuu soddoggiis warqaddii jeexay oo weertii u horraysey oo ahayd “Calimaax sidii johoradeed yaanan ku jamane” isha mariyey, mar labaadkiina ilaa erayadii u danbeeyey oo ahaa Cawrala Barre akhriyey, oy u muuqatay inay warqaaddu ku saabsan tahay jacayl ka dhexeeya Calimaax iyo ruuxaas dumarka ah,
ayaa hoosiis dhex maray warqaaddii iyo indhihiisi oo uu mar saddexaadkii naxdin iyo yaxyax daraadood dib eray uga kicin waayey. Halkaasuu isagoo didsan soddogii ugu celiyey warqaaddii Calimaax iyadoo isku guda jirta.
Calimaax waxay la noqotay in odaygii soddogiisa ahaa indha dareeyey oo uu sidaas aawadeed warqaaddii u akhriyi kari waayey. Markaasuu intuu warqaaddii ka qabtay soddogiis u dhiibay ninkii dhinaciisa bidix fadhiyey, oo ayaandarro labaad ahaa seeddigii Wacays.
Wacays warqaaddii buu intuu galka ka saaray oo kala bixiyey beeg isu hor qabtay, isagoo xoogaa dareeni galay markuu aabbihii wejigiisa eegay dhididka saarsaaran. Sidii si le’eg Wacays bilawgiiba wuxuu la kulmay wax aanu filayn oo aad uga yaabiyey, waana ka bogtay warqaaddii isagoo aan weli eray uga sheegin Calimaax.
Calimaax baa haddaba, dareemay inay warqaadda wax walaac geliyey soddogiis iyo seeddigiis ku qoran yihiin oo lagula dhici waayey ama lagala xishooday in loo sheego. Markaasuu ku yiri
“Wacays ii sheeg waxa warqaadda ku qoran, yaase soo diray?” Wacays baa markaas u jawaaboo ku yiri, Calimaax waxa warqaadda ku yaal iyo cidda soo dirtay midna halkan kuugu sheegi maayo Soomaaliduna waxay ku maahmaahdaa “shir looma wada uunsiyo” ee waa inoo markaynu shirka ka dareerno.
Qore
Faarax Maxamed Jaamac Cawl