Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 2aad
Haddaba, Cawrali waxay yaraanteedii ku barbaartay dhulka buurahaas, dhirtaas, shimbirahaas iyo quruxdaas leh, oo gabaygaas ku sifaysan. Cawrali waxay ahayd kuna tilmaannayd gabar aan meel laga saluugo lahayn dhan kastaba ha ahaatee, midabkeeduna wuxuu ahaa midabka midabada ugu wanaagsan oo maarriin dhalaal casaan raac ah. Jooggeedu wuxuu ahaa dherer dhexe oo dhex yar, oo tima sayn yalax ahi garbaha laba taako hoos uga degeen.
Waxaa la yaab iyo amakaag ahaa indhaheeda cadcad oo kaah adeenla ahaa, wiilkooduna madoobaa, suuniyaheeduna dherer intey ka qabeen sanqaroorkeeda dheer salkiisa ayey ku soo arooreen. Cawrala qosolkeedu wuxuu ahaa had iyo jeer dhool ka qosol, oo debnaheeda deebta ah aayar furta, oo markaas in yar muujisa ilkaheeda caddaan sadafka ah ilaa dhoolaheeda dhuudhuuban barbar ka muuqdaan. Intaas waxaa u raacay labadeed kub oo laba buuxsin ahaa. Haddii daacad loo tilmaamana gacmaheeda garaaraha lahaa markay ku laafyooto ruux la quuro mey ahayn, goroddana waxay ku lahayd kuna wareegsanaa caabbaadhyo haddii la tiriyo afar meeris ahaa.
Waxaana la oran karaa quruxdeedu waxay ahayd waxaan la arag lana maqal. Dharqaadashadeeduna dhuda wareeg abid kama yeelan jirine hab iyo hannaan bey u xiran jirtey una xarragoon jirtey.
Magaalada Cadmeed bey muddo shan sannadood ah ka baran jirtey quraanka iyo af Carbeedka halkaasoo ay heer fiican ka gaartey aqoonta wax akhriska iyo wax qoridda.
Waxay la walaal ahayd wiil la oran jirey Dalmar iyo laba gabdhood oo ay midna ka yarayd midna ka weyneyd. Hooyadeed iyo aabbedeedna waxay ku noolaayeen magaalada Xiis iyo miyigeeda oo ah buuraha ka sarreeya. Aabbeheed Barre wuxuu had iyo jeer Cawrala ku faanin jirey uguna ducayn jirey muddeecnimadeeda iyo dheganugaylkeeda, in kastoo mar-marka qaarkood waxay damacdo ma’ ahe wax kale aanay yeeli jirin.
Isla markaas, Calimaax wuxuu la walaal ahaa wiil keliya iyo laba gabdhood, wuxuuna ku dhashay kuna barbaaray magaalada Laasqoray oo Xiis xagga bari ka xigta una jirta qiyaastii 152 Km. Magaaladaa isla iyada ah waxay ku hoos taal buuraha Calmadow oo ay isku xiriir yihiin Surad iyo Daalo,
sidaas daraadeed xagga quruxda iyo dhirta ka baxda waa isku sansaan, inkastoo buurahaas Laasqoray ay hoos timaaddo marka oogo laga soo bilaabo ilaa xeeb ay u kala baxaan heerarka ah Raacin, Arooro, Cayow, Jarcaleed, Madar, Ragar, Gadoob iyo Macagta oo ah halka buuruhu ku dhammaadaan.
Haddaba, dhulkaas buurahaas leh, ayuu yaraantiisii ku kicitimay, waxaana kaloo jirtey inuu in badan la socon jirey bulsha fardood oo halkaas sida muuqata uu aad bulshay rag iyo haasaawe yaqaana ku noqday. Muddo dabadeed markuu gaashaan qaad noqday baduhuu galay oo ku ilbaxay, doonyahana wadiddooda iyo maamulkooda ka gaaray heer sare.
SAFARKII DOONNIDA IYO KULANKII CAWRALA IYO CALIMAAX
Iyagoo sida muuqata, ay kicitaankoodii, noloshoodii, iyo dhulkay ku soo koreen kuna barbaareen Cawrala iyo Calimaax isku mid ahaayeen, ayey doonni ka soo wada raaceen magaalada Cadmeed, isagoo Calina dooyo Daraawiisheed u tegey, Iyana ay ka soo xagaa baxday magaaladaas.
Doonnidaas oo la oran jirey SUBXAAN ayaa waxay ka soo shiraaqatay makhribkii marsada Cadmeed markay taariikhdu ahayd 25 kii Maarso 1915 kii, waxaa doonnida la socdey 15 rakaab ah, oy 12 tahay rag, saddexna haween iyo 20 ah badmaaxyadii doonnida ka shaqaynaayey. Sidey caadadu ahayd 3 (saddexdii) haween waxaa loo gogley huuriga dushiisii oo halka ragga rakaabka ahi fadhiyeen saddex talloobo u jirtey.
Habbenkaas hore waxaa jirey dayax shan iyo tobnaad ah cirkuna waa cusbaa oo daruuraha gudgude sansaantoodaa munqanaysey oo labadii shiraacba waa buuxeen, hadbase doonnidu waa muraamaynaysey waana kordhinaysey muraanmenteeda markay badweynta hore ugu soo martaba.
Markay abbaara toddobadii habeennimo ahayd oo suqayariintii ay cashadii bixiyeen ayaa ninka la yiraahdo Calimaax haasaawe bilaabay oo daandaansaday nin la oran jirey Nuur Ciise oo rakaabka ka mid ahaa, wuxuu ku yiri, “Nuuroow waadigaa wareeree maxaa badaan baas ku soo mariyey? Maad reerkaagii iyo Guudmanaa iska joogtid oo saaqa iyo haameeshaadii boqollaalka ahaa iskaga maashid. Haddaan adiga ahay weynaan badahan jaan kuma soo galeen oo hadba intaan doonnida jenbigeeda qabsado aa! aa! Aa! ma iraadheen.
Kulase yaabi maayoo waxaa danqaarahaas ku soo mariyey arrad iyo gaajo, ee maxaad Cadan sooryo ka soo heshay, immisa mohoradood iyo iskujoog baad reerkii u siddaa waadigii wiilkii habar wadaaggaa dhalay wiilkiisii wiilkuu dhalay u tegeye?”
Nuur baa markaas wuxuu ku wareer gooyey hadalkii Calimaax oo yiri, “Caliyow miyaadan ogeyn inaad tahay mulxish reer magaala ah sidee baad nin reer miyi ah oo anoo kale ah wax uga shegi kartaa, miyaadse wiil yar oo gaashaan qaad ah, miyina ku kacay fartiisa guddaa. Allahayow yaa hayaan ama xoola kaliil hogad oon jooga ku yiraahda aroori, ha la bartee miigganaantaada iyo adkaysan waxaad leedahay. Halkaad reer miyiga gaajo iyo arrad ku caydayna waxaan kaa iri, miyaadan ogeyn magaalada inay xarragadeedu iyo wanaaggeedu tahay xoolaha iyo oontooda miyiga ka imanaya, Midda kale miyaadan maqal gabayga Sayidku tiriyey waadigii noo sheeganaayey Daraawiish eh?
Magaalada masruufkiyo dharka, laga muraadeysto,
Mushmushaaxa iyo biicu, waa moodka soo dega’e,
Miyigaba haddii laga xiraa, mawdku ka adeegye.
Qore
Faarax Maxamed Jaamac Cawl