Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 3aad

Spread the love

Naakhuudihii doonnida oo la oran jirey Shirdoon Sugulle ayaa haasaawihii isagoo taageeraaya Nuur Ciise soo dhex galay, wuxuuna yiri, “Caliyow maad iska deysid Nuur iyo reer miyiga faallihiisa, sababtoo ah waxaan qabaa inaadan Nuur hadal la ekaynayn oo uu gabayo iyo maahmaaho kugu hafinaayo”.

Nin kale oo afraad lana oran jirey, Magan ayaa hadalkii qaatoo yiri, “Nuur iyo Naakhuudow waxaan idin leeyahay dad aan weligood isgaarayn ha siminina, waayo ninka reer magaalaha ahi wuxuu ninka reer miyiga ah u jiraa inta cirka iyo dhulku isu jiraan, ee hays daalinnina. Reer magaalaha runta ahi inta badan dugsuu galaa oo barta Quraanka iyo diinka,

xaaraanta iyo xalaashana waa kala yaqaan dadkaana hadba ninkay saaxiib yihiin ayaa ugu sokeeya. War miyaanu ahayn reer miyigu kan geela dhaca oo anay xalaasha iyo boolidu u kala soocnayn, kufsadana hablaha markay meel dagan ka helaan, markay aradaanna dhuugu hugoodu yahay?

Ragga rakaabka ahaa iyo meesha habluhu fadhiyeen wax yar oo layska maqalo ayay isu jiren oo intii haasaawuhu soconaayeyna habluhu dhegtey ka maalayeen hadalka.

Cawrala iyo Calimaaxna marmar bay indhoodu kulmayeen sababtoo ah dayax shan iyo tobnaad bay ahayd, markii kulankaasi dhacana Cawrali intay xishooto oo hoos u jeensato ayey aayar gacanteeda midig ku soo hullaabanaysey malkhabaddeedii milmilka xariirta ahayd oo labada fool ku qabanaysey.

Mar labaad baa Calimaax markaas hadalkii, halkii ka qaaday oo wuxuu yiri “sida muuqata waxaa Nuur iyo Naakhuuduhu iyo reer miyoo dhammi qabaan in reer magaaluhu aanu murtida iyo gabayga aqoon haba yaraatee, lana ekayn karin af Soomaaliga reer miyiga. Haddaba, caawa iskeen siiya, oo weertaydan maqla”.

Wuxuu yiri.

Walle daacuflow reer miyaan, doocna garanaynin,

Dab la shiday aroortii hadduu, daamanka is dhaafsho,

Doqonnimo waa wuxuu cadkiis, doc uga muujaaye,

Haddi doog ilaah shubo, oo duni barwaaqowdo,

Oo doobi caanaha riyaha looga dalaf siiyo,

Oo rodol uu doondoon ku helay, uga dambaysiiyo,

Isagiyo duqdiisii markaas, dawlad la is moodye,

Damdamtiyo hangoolkii ma jiroo, diriri maayaane,

Maantaas ninkii dan u lahow, daaso hadalkaaga”.

Filidda aan la fileyn in Calimaax si degdeg ah oo muddadaas gaaban ah ku tiriyo tixdaas qaayaha leh oo uu reer miyiga ku faalleeyey ayaa raggiina u sacbiyeen murwadii iyo hablihiina mashxarad dhegaha ku dillaacsheen wixii doonnida ku jirey, markasaa suqayariintii soo dejiyeen shah loogu tala galay haasaawaha habeenkaas oo hayl,

xawaash iyo qorfe leh si loogu hambalyeeyo Cali madantuu sida wacan uga soo baxay. Cawralaa is hayn weydey oo ku tiri hablihii, “hah! hah! Afku kuma go’oh oo caano geel afkaaga lagu qabay ar ninku gabayga heli ogaa, heedheh galabtaan markuu doonnida soo fuulayey oo uu cagta soo saaray Calimaax isha geliyey inuu yahay diricdiric dhalay oo quruxdiisa qiima ku darsaday”.

Waxay kaloo raacisey hadalkeedii, “anigu reer miyiga iyo wixii ku salle waan necbahay sababtoo ah, hadda aabbahay wuxuu ii soo dhoofshey nin reer miyi ah oo geel badan leh walaashayna ka dhimatay oo wax allaale wax uu yaqaan aanay jirin, sida loo seexdana haba yaraatee aan garanayn. Gabaygaas caawa Calimaax tiriyeyna oo damdamta iyo hangoolkay la dhacaan ku sheegay wuu i sii nacsiiyey reer miyi iyo wixii ku salleba.”

Murwadii Saluuglaa ku tiri, “soo Cawralaay aabbahaa haddaad diiddid ninkaad sheegtay ku oran maayo habaar iyo duco kala dooro?”

Cawrali waxay ku jawaabtay, “hadduu saa i yiraahdo waxaan dooranayaa habaarkiisa markaasna waxaan ka ducaysanayaa Shiikha Maydh ku aasan, sababtoo ah habaar kasta ducada Shiikhaa ka xoog roon, markaas hadduu adoogay cirka soo gujiyo ka yeeli maayo nin aanan jeclaan oo aanan asluubtiisa iyo ragannimadisa ka baaraandegin, baranna inaan oori u noqdo oo uu iigu yeero naa yaa, naa yaa! Ama uu hadba intuu magacayga ka hawoodo yiraahdo taannu wada joogney, tii reerka, tii carrurta ii haysey iwm”.

Murwadii Saluugla weydiisey Cawrala oo tiri, “Cawralaay waa maxay jacaylku, waxse ma iiga sheegi kartaa? Waayo anigu waxaan ahay dumarkii hore oo hadba ninkii doona la siin jirey iyagoo aan erayna la weydiin inay raalli ka yihiin  oo meher lagu duugi jirey yaradkana laga qaadan jirey.

Waxaad ka soo qaaddaa anigaygan kula hadlaaya aabbahay wuxuu i siiyey aanoo shan iyo toban jir ah, nin badda jirey oo cimrigiisu lixdanka kor u dhaafay oo aan hal fool ah lagu ogeyn timaha iyaga hadalkoodaba daayoo, tukuba dheerna sita. Tan keliya oo u geysay aabbahay inuu sidaas yeelo waa lacag jacayl anigana lacagtaas uu odaygaasi haystey ayaa sabab ii noqotay inaan noqdo tii loogu heesay

Qore

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *