Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 4aad

Spread the love

“garaad daraney gu’ kaa tegey iyo ma soo noqon galab ku dhaaftaa”. Waxaa dhacday markaa laba sannadood wada joogney iska daa nafac kale ama ninnimo aan ku qabee, wuu cammoobey oo dabkii ka kici waayey, markaasaa geeddigiina la fuuliyey. Markaas in kastoo aan haystey marriin iyo masruuf wacan, ayse ii dhadhami waayeen ayaan damcay inaan iska furo, waxbase waa iiga qabsoomi waayeen naakirad baana lay qoray,

sababtoo ah, diinteenna Muslinku siday wadaaddada wax ma garad ka ahi yiraahdaan waxay dhigaysaa in ninku markuu doono iyo siduu u doono u furi karo haweentiisa, laakiinkse, haweentu ninka hadday nacdo dhibaato kastana ha ku qabtee, inaanay iska furi karin, welibana hadday inay diiddo ku adkaysato waxaa la qoraa wax la yiraahdo naakiro. Taasoo ka xaaraamaynaysa inaanay weligeed nin kale guursan.

Haddaba, haddaan ogahay inuu Ilaahay caaddil yahay ragga iyo haweenkuna sagaal bilood ku wada dhasheen ila ma’aha in xaggiisa ragga iyo haweenku u kala sokeeyaan, ee waxaanu waa wax raggu u samaystay inay xaqa dumarka ku duudsiyaan, markay cilmigii iyo aqoontii kaleba ka hor barteen.

Sidaas aawadeed waxaan qabaa inay dumarku diinta iyo cilmoo dhan la bartaan ragga si ay xuquuqdooda uga dhacsadaan, raggana wax ula qaybsadaan. Waayo haddaan wax aqaan maallintii dhoweyto ee qaaddiga Xiis lay geeyey ee naakiradda layga dhigay, waxaan hubaa inaan intaan garta ka helo odaygii xumaa weliba xarig qoorta u gelin lahaa,

hase ahaayee waxaa iga hiiliyey laba hal, cilmiguu iga badiyey iyo lacagtiisii markii horena i sababtay.  Sida muuqatana goblan baan geeri ku sugi. Haddaba, geelooyin hadalka waan ku dheeraadaye Cawralaay adaan kaa qabsadaye bal jacaylkaad sheegayso wuxuu dhadhamo wax nooga taabo”.

La Soco Qaybta 3d

Intaanay Cawrali hadalkii bilaabin ayaa wagii sagliyey oo wadaad doonnida saarnaa aadaamay oo yiri, “Allaahu akbar allaahu akbar, ashahadduu an laa Ilaaha Illalaahu wa asahaddu anna muxamadan rasuulalaah, haya calal salaax. haya cala falaax”

Markii addankii dhamaaday salaadiina la tukadey waagiina ogtiisii dilaacday, baa Cawrali tiri, “sheekadaas jacaylka ah habeen dambe baan u dhiganayna, waayo waagii baa baryey hadda oo waxaa laga yaabaa iney inta raggu ina maqlaan”.

***

Inkastoo maayad Hindiyihii jirtay habeenkaas, hase ahaatee baddu aad bay u degganayd dadkoo dhammina waxay ku caweeyeen ilaa waagu galalac yiri haasaawihii iyo murankii dhex maray Calimaax iyo Nuur Ciise, rag badanina ka qayb qaateen, ruux wareerana waxaa u danbeeyey Nuur Ciise, isaguna markii Cali xifaaleeyey ayaa ugu dambeysay.

Maalin labaaddii oo bisha Maarso ahayd 26, waxay ahayd maalin milicdu aad u kulushahay oo kaliil hogad ah, waana maalinta sida la ogyahay gugu ka bilaabmo dalka Soomaaliyeed. Markaa kulkii awgiis sadxaddii doonnida baa rikaabkii loo dallaadeeyey haweenkiina hooso loo xiray ay milicda ka harsadaan.

Iyadoo Cawrali isha galisey Calimaax markii ugu horrayseyoo uu doonnida cagta soo saaray, habeenkii xigayna hadalkiisii iyo haasaawihiisii macaanaa dhegta ka maashay, ayey maalin labaadaas aad uga il sugatay. Wuxuuna ugu muuqday inuu yahay nin da’ dhexe ah oo ilbaxnimo indhihiisa ka muuqatay, lagana yaabo inuu afaf badan oo qalaad  ku hadlo, haybadna leh. 

Waxay kaloo aragtay inuu yahay midabkiisu casaan raac yahay oo sanqaroor dheer leh, garkuna madow buuxa yahay oo uu hab wanaagsan u qoray.

Wuxuu kaloo u ekaaday in kastoo aanu kicin nin dheer oo lixaad leh. Waxay kaloo dareentay inuu yahay nin Daraawiishta Ina Cabdalla Xasan ee Taleex degtey ka mid ah, sababtoo ah waxaa gadaashiisa ku tiirsanaa hal sitaac iyo hal nadi iyo qori maarre ah. Inuu Daraawiishta ka mid yahayna waxay ku sii rumaysay, balaf bay ku maqashay inay doonnida ku jiraan niman lagu tuhmaayay inay Daraawiish yihiin.

Isla maalintaas markay barqadii gaartey ayaa naakhuudihii badmaaxyadii ku yiri, “war maxaad inoo ku jillaabi weydeen miyeydaan ogayn Baddacas inuu ku jiro kalluunka adduunyada ugu macaan uguna qaaya roon oo ah tebediinka, oo hadda doonnida hareeraheeda booddalaysanaaya?”

Markaasaa badmaaxyadii amarkii fuliyeenoo la jillaaba, oo isla muddo yar dabadeed soo dhifteen dhawr hal oo tebediin ah. Halkaasaa qadadii lagu bisleeyey  tebediinkii oo jaadjaad loo sameeyay. Haddaba, nasiibdarri waxaa dhacday markii qadadii la soo dhigay loona faraxashay ayaa Nuur Ciise afka iyo intuu sanka mara ku duubay diidey qadadii kalluunka lahayd inuu farihiisa galiyo.

Markaasaa Cali ku yiri, “Nuurow ninkaan kalluunka ifka ku cunin aakhiraa afka loogu guraa bay Soomalidu tiraahdaa, ee maad cuntid caafimaad iyo nafaquu jirkaaga tarayaaye”

Wuxuu yiri

Dunnunucaay kolkuu qahwaha, debinta saaraayo,

Duuf lulaaye goortuu kalluun, labada daan buuxsho,

Dayn qaate meeshii nin ragi, debec ka maalaayo,

Duryan xume markuu deego buu, dunida hiifaaye

Diintiyo wuxuu caayayaa, daayin Ilaahiise,

Dacwad aan la garanayn iyo, dafashya baas sheegte,

Dood iyo dagaal baa nin raga, lagu daryeelaaye,

Deeqadana haddii loogu ladho derejo weeyaane,

Wax dawddara magaaliyo ninkii degelkeed waa jooga.

Cali baa markaas  hadalkii qaatay markii Nuur dhameeyey gabaygii oo yiri, “Nuurow layskuma hayo inuu kalluunku xalaal yahay, waayo waxaa la yiri nebigii baa seeftiisa ku gawracay sebenkiisii.

Waxaan kaloo intaas kuu raacinayaa faa’iidooyinkiisa kale oo aan la ogayn, kuwaasoo ta u horraysaa ay tahay inuu yahay xoolo ama sahay aan loo kala xoog roonayn. Tan labaad waa xoolo aanu col iyo cadaawe kaa qaadi karin.

Tan saddexaad waa xoolo aan oomin abaarina gelin. Tan afraad waa xoolo maalqabeenka iyo saboolku u siman yihiin, laakiinse uu bursadaa hadba koodii tabar bataa midkood kasta ha ahaadee. Haddaba haddaan, Nuurow soo gabagabeeyo faa’iidooyinkiisa u weyni waxay tahay, waa hanti uumiya iyo sankuneefle oo dhan loo simayoo la wadaagaa, walibana tixdaydaan maqal, aad garatid wuxuu yahaye.

Qore

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *