Xusuus iyo Murugo part2

Spread the love

waxaan kuu hibeeyay kalsooni mida ugu weyn oo uusan walaal u hibeyn walaalkii ama aabe uusan u hibeyn wiilkii, been kuuma sheegin weligey, naftuna waxay ku talax tagtay Jaceylkaagii oo mar walbo aan niyada ku haayo,aqristow,

mudada aan IDIL la socdo waa mudo ku dhawaatay 1 sano intaasna weligey dib u dhac iyo been balan ka bax iyo wax keeni karo qilaaf kuma aana arkin, aniga majirto wey aan u dib dhicikaro maadaama nin wax jecladay aan ahay, isla markaasna maantay asiga aana awoodin in birta loogu dhifto,

mar kastona waxaan ka dadaali jiray been iyo is badal in aniga la iga helo aniga oo kalsoni aan ayada ka sameysanaye siiyay baswer ka magaceyga iyo wax kasto oo INTER NET oon ka is ticmalo oon heysatyba aan farta ka saaray, si ay ugu cadaato in aan kili u ahay,

anigana waxaan la ama kaag sanahay, riyada aan ku jiro iyo mar walbo sida aan ugu dhoho hadalada macan, si ay iigu dan qato, waxaana iraahdaa xili kasto waxa ay iga mudan tahay, aniga oo macaanka aan u qabo malinba malinta ka danbeyso oow igu sii kor dhaayo, aniga oo leh ,

IDILey dhaayahaaga buluugga ah dhabanadaada guduudan

timahaaga dhuxusha ah ilkahaaga dhalaalaya

dhabarkaaga toosan iyo dhexdaadan la qoraan

IDILeey la dheygagay dumarkaad wax dheertahay

dhismaha jirkaagaa dhaayihii mar arkaa

dhinac u jeeso oggoleyn hadal iyo dhamaantii

yey ila dhaqaaqin amaantoo adna aanan wax kuu dhimine

murtideyda ila dhuux , dhimbil baa igu dheggenoo

maalmahan idhibeysey , Jaceyl bey dhaawacoo

dhinacaaga iga helay , caashaqa dhibkiisana

qofka laguma dhaafo , dhaawaciisa culusaa

dhaqtarkiisu yaraa , dhimashadiisu fududaa ,

dhadhan waan ka go’ayoo, hurdo dhinac ma seexdo

adaan kuu dhararayaa ee dheyl warkayga hamoodin,

intaa iyo in ka macaanba kama daalo in aan la xariiro IDIL, isla markaana uu ugaaro xariir kena weynaantisa labada dhinacba, isla markaana aniga laftayda aana qabin wax shaki iyo dhib aan ku qabo xariirka IDIL, isla markana aysan jirin wax aniga xageyga ka imaado oo dhib ah, oo keeni kara in aan niyad jabo,

run ahaanti mana awoodo in maantay dhib aan kala kulmo IDIL maxaayeelay waxaan ka jeclaaday wax kasto oo kasoo haray allaha abuuray adunkaan iyo rasuulka usoo dirsaday iyo kitabkisa ,

Idiley wad iyo calaf waxaan ahayn,inay nakala weeciyaan jacaylkeenaa kaweyn,waqtiga wuu soconayaaye,inaan wiigba ceyn ahaano jaceylkeena aa kaweyn, koley wadnayaal israacey,waxaa weerara was waas,wax kastoo oo nagu yimaado,ma wiiqaan jacaylka-oo,jacaylkeenaa kaweyn,

nafba waxaa u qaali ah qoftii ay jeclaatee, nin uu caashaq qalaayana sir maqarin karaayee, indhuhu quusan maayaan waanada maqaataan talo kuma qancaayaane , qallaa layga marayaa qiiq baa leygu shidayaa hadana waa qar qarayaa oo waa qaboo babahay , qeys baan ladiris ahay qabri baan ku dhawahay,

gacalisadaan jeclaayeey,guud ahaan adduunyada

adaan kaa garwaaqsaday,gaduudkaaga dhiinka ah baa

gebigeey isaaqay

axdigii hagarabmarin Guursanmaayo inan kale

god inaad gasho mooyee Ama aad igoysaa

garaadkey wuxuu isiiyey guur inaan yagleelnoon gurigeey ku geystoon

gogol kugula seexdo Ee gef miyaa gacalooy?

intaa hadal iyo af macaani ee aan gaarsiinayo,

aqristoow is ma dhihin hal marna ma dhici karta in qofkaan aad cal fan weyso, ma dhici kartaa in aysan eheen mida aad kula dakeyn doonto dunida dusheeda, mar kasto oo aan dad aan ka maqlo naagu waa sir kaliya, waa dabin xun yihin, naftayda, waxaan ku sa sabaa, waxa beenta iyo boro bogan daha isku sheego e caashaqa beenta ahna isla dhiso in ay yihiin wax islaam nimada iyo imaan kuba uu ku yar yahay,

 xikmaduna waa tan oraneyso, Tilaabo aan loo dhalan lextaako ma dhaafto , sidaa darteed anigana waxaan aamin sanahay beentu in ay raad gaaban tahay, qof mudodaan aan is wadnona in aysan waqtigaas oodhan aysan been iyo lug gooyo aysan ku bixineen, sidaa darteedna aana dhag u dhigin dilaaya yaasha caashaqa oo markasto noqon karo afka saxibadaada iyo bulsha daada ayaga,

oo inta badan ay jeceyl yihin in ay kaa booriyaan sida aad isku raacisay , lakin laba kala bariday kala warla , waxa aan dha dhan sanaayo, iyo macaanka aan qabo ma ay u jedaan hee!!!

ana kama daalo in aan maalin kasto diro E-mail kii la iiga bartay, aniga oo E-mail ka aan diro usan u ekeen kii shalay aan diray, waloo meel yar xitaa aysan iska soo galin, ee uu yahay maalin kasto Message aan diro mid kasoo go’ay qalbi macaan iyo dareen caashaq leh, waxaana iraahdaa markasto oo aan fariin u diraayona hadalo la jeclesan karo, hadaa aqrisana aadan is celin karin hadaa wax jecesha hay ama lagu jecel yahay,

Idiley dadka taan ka doortaay,dareenkii wadnahaygaay

diirkii jirkeygaay, dooqeygu tuu raacaay

waxaan kuu soo dirayaa, salaan daacad ahoo debecsan

diiranoo duunyoo idil iyo, doolarka ka qaalisan

Oo dubka sareetiyo, halbowlaha dacaladiisiyo

ku dahaaran qalbiga, Oo diiwaanka wadnihiyo

ku daboolan caloosha ,Ee adigana ha daayicinoo

haygu sii deynin duurkee, I daryeel macaaneey

daa’inkii ina uumayna, waxaan kaaga dalbayaa

deeq inuu ku siiyiyo, caafimaad derejo leh

Intaa dabadeed, aan iska dabro salaantoo

aan usoo daadago, dulucdiyo ujeedada

Inanyahay dartaa baan, duhur iyo habeen

hurdadii u diiday, anfacadiinna u daayay

jaceyl bey duufsadoo ,duufaannada waxqaadiyo

Igu daray dabeylaha, Ee intaanan dulloobinoon

duurka gelin , Idugaaliyoo idaawee

Ila duubo gacalooy!!

qore Abwàaan # c /qani axmed

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *