Xusuus iyo Murugo part1

Spread the love

Waa habeen xasuus mudan qofkasto oo ibnu aadan ahna uu ku qasban yahay in uu qoro ama uu xuso dhibatooyinka iyo qisooyinka ku dhaco , waxaan ahaa wiil somaliyed oo ka hela in uu is ticmaalo aalada INTER NET ka si daran waqtigiisana ku bixiyay aniga oo jeclesanaayo xariirka aan la samey nayo dad badan aniga oo ula

jeed kayga markaasina uu yahay in aan ka barto bulsho iyo asaxab qiimo leh ba.

waxaa habeen habeenada kamid ah, aan kula kulmay meelaha lagu shekesto ee aalada Net ka, aniga oo markasto jeclaa in aan galo qolol ka diiniga iyo tar tanka Qur’aan ka karim ka, ayaan waxaan kula kulmay,

qol aan ku jiray ee paltalk gabar igacodsatay in ay i weydiiso su’aalo badan waana u ogolaaday, waxay i weedisay magaceyga iyo halka aan dunidan baaxada weeyn aan kaga noolahay, waxaana ku iri waxaan ku noolahay dalka Egypt, waxa ay i weeydiisay waxa aan ku haayo egypt,

 waxaan u sheegay in aan u joogo in aan ku dhamesto leeman, waxaa ay i wediisay wax xariir ah in aan lee yahay, waxaana sida runta ah uga waramay in aana leheen wax xariir iyo reerba, waxa ay iga codsatay in aan xariirno weliba aniga oo xaqiiqda ka hadlaayo,

sida runta ah aniga ma ku xeel dheeri isticmaalka Chaat roomka iyo qaab kiisa shukaansi, mana ihi sida aan maantay ahay oo aan qisada daabacayo, sida markii aan is baraneeynay gabadha, waxaan meshii ku gaarnay go’aan kaas oo ahaa indho aan ayada eheen in aana yeelan waqti kastona aan kulano,

waxayna ii sheegtay magaceda oo ay itiri IDIlL iyo addres ka wadanka ay dagan tahay iyo weliba Tel keda, intaas kadib waxaan u bandhigay gabada, in aana xariir siin karin ilaa ay ayada soo bandhigto waxa ay codsaneyso in ay hesho, waxaana ku xujeeyay in ay isoo wacdo isoo xariiriso mar kasto, maadaama ayada ay horeyso intaa ka dib waxaa na dhex maray xariir maalmo socday,

kadib waxaan u diroba waa ay sameysaa tilaabo kasto oo aan ka codsado in ay ii sameysana waa ay ii sameysaa, ayada oo sawiradeeda iyo hadiyado Romanceba iigu soo dirtay posto fariimo badan oo aan hada qori doonona iigu soo dhiiibto live ahaan, aqristoow gabadhu ilaah waa uu ka dhameestiray dhan walbo, indhihii mar eegaahina dib u ma jalee caan,

 dhibaatooyinkan ziyaada da noqday ee maantay jira iyo sida ay maantay beenta iyo dhibatoyinka ay u jiraan uma jirin xiliga aan la kulmaayo gabadhaas, mana aysan eheen dhalinta maantay sida ay ugu cayaaraan caashaqa iyo xariirkaba markaas aan aniga gabadha baranaaye,

aqristoow hadal badan haan ma buuxsho, waxaan gabadha kala kulmay, wado kasto oo rumeyneysa xariir keda, kana dhab shegeso qalbigeda, aqristoow, waxaa tahay ibnu aadan waxaad leedahay dareen, aan is celin karin mar hadaa hesho wax aad is ledahay anfac bay lee yihin, waxaan qalbiga si sugan oga soo gooyay in aan helay qofkii mustaqbal keyga, ayada oo aan dhan walbo ka eegay dibna aan u raacay dabcigeeda iyo qiimenteda, iimana soo bixin wax aan ehen 100 %,

aqristoow, nin meelu u cadahay meelu ka madoow, wwaxaa si lama filaan ah iigu baaxay iiguna saaqay ka helitaan aan u qaaday gabadha, aniga oona jecleen marka ay iga soo dib dhacdo, isla markaana aniga aan galaayo waqtiga aan la balan sanahay sacad ama labasaac ka hor, mudo markii aan wada soconay, ayaa waxaan gaaray in aan dhibsado kista yarta ay iga soo daaheyso iyo mararka qaar oo card ka telfonka ay igu soo weceyso oo yaraanayo, ayadu waa ay danesataa, waa ay sahqeysata, waxna waa ay barataa, ana waa ii daney neysa , oo aniga dartay waxay u gooynyesa mararka qaar howleheeda,

 aqristow, waxaan si dhab ah u jeclaaday gabadhii, IDIL waqti kasto waxaan dul taaganahay INTER NET ka , miir aan IDIL eheen malihi, hadal aan idil eheena iguma socdaan , gabadhii aan arkaa ama aan maqlaa waxay iila muuqataa IDIL,

aqristoow, waan seexanayaa oo weliba gam’ayaa waase su’aale miyey riyadeedu i deyn.? waa riyada mida aan ku farxo, mida aan ku salalo, habeen walba ku hadraayo,waqti walbo aan u dul taagnahay halkani, way i daashatay si aad ah weliba, xusuus, sheeko & hadal-ba ayada ayaa ii noqotay, waan ka fekeraa mar walba,

aniga oo wax walba ka hormarinaya raali ahaanteeda waxaanse qalbigayga kula yaabanahay sida ay ugu weenaatay IDIL waxaan mar kasto oo aan u xiiso oon la har sanwaayo aana la hoyaadi waayo dabka ka shidan qalbigayga, waxaan isku sa sabaa ayada oo offline ah in aan Message u dhaafo aniga oo leh.

Ka: Tinish yare

Ku: qalbigayga nuur kiisa IDIL

iga gudoon salaan loo hago mida loo hanweyn yahay una horeysa hablaha maanta dunida jooga, habsami & wanaag, heybad & asluub, hanaan & qurux, hamuun & kalgacal middii aan u hayay, hubaashii waxaad tahay inan tusalaaha ku haboon, hareerta kale ka eeg, heerka sixadeyda waa hagaag, adigana sidaa iyo si ka haboon ayaan had & jeer rabbi kaaga baryayaa , salaan kadib honey marna ha u maleyn in, inta aad iga maqan tahay in aan moogahay xusuustaada, markaan ku garwaaqsadana waa damqashadii & halkeedii, qalbigeyguna waa qalbigii dunida oo idil kaa yaqiinay, waa qalbigeygii gacan saarka uusan igala tashan kula lahaa,

waa qalbigeygii aad wax walba u aheyd,waa qalbigii had iyo jeer xiliga uu kuu xiiso aad xubnihisa ku saaqi jirtay waa qalbigii mar kasto oow niyada kugu qabto ku la kulmi jiray asiga oo wax kasto iyo hurdo kasto ka hor marinaayo kulan kaaga iyo balan kaaga ,IDIL gacaliso waxaan ku Jeclaaday, Jaceyl aan qof sidaa loo Jeclaan,

qore Abwàaan # c /qani axmed

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *