Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 10aad

Spread the love

 “amba aad baan uga xumahay, waxaanse hubaa hadday saddexdaydii talo yeesho oo intay dharkay sidatey iska yaryarayso oo sidaan soo jeediyey raggii doonnida ina kula jirey mid iska lusho ama qori cuskato waxaa laga yaabi lahaa inay badbaadi lahayd,

sinase ma yeelinoo waxaan xusuusanahay markay doonnidu sii degaysey, iyadoo sanduuqeedii dhabta ku haysata, markaas waxaaba laga yaabaa lexejeclo aawadeed inay sanduuqii u quuri weydey inay iska sii deyso oo lafaheed u dadaasho.”

Saluuglaa markaas tiri “mar hadday saas yeeshay suuncaaqiibo malahayn oo waxba kuma wanaagsanayn, dardaarankeedina waxaan u sheegay hooyadeed inay deynkii ka bixiso.

Midda kale waxaan kuu sheegayaa ruuxii haddiisu gasho talada waa ka hanfafaa oo ma haleelo tan habboon sida ninkii gabyey yiri:

Hadday sababi geli maanka waa, la iska suurshaaye,

Sarbeeb malag ah ayaa laga dhigaa, saacaddad dhimane

Oo solimaysid taladii Ilaah, seeg ku leeyahaye[1]

Midda kale Cawralaay waxa jirta inaan taladii Ilaah gooyo aan laga gudbi karin, oo anba haddaan Ilaahay gacanta ii gelin sadxaddii doonnida oo aanu i soo saarin odaygii reer miyiga ahaa, cidina aanay ka filayn inuu ka soo baxo ugu horreystii doonnidii layma arkeen.”

Goortay hadhimadii in yar ka hartay ayey kala tageen iyagoo ballamay inay isu soo noqdaan fiidkii si ay u wada caweeyaan. Mase suuragelin inay habeenkaas isu yimaaddaan iyadoo Saluugla qaraaba badani soo booqdeen oo ay markaas ka soo bixi weydey.

Habeenkaasoo ahaa habeenkii u saddex ahayd intay badda ka soo maqnaayeen, Cawrali ma ledin, waxaana hadba la hor keenayey doonnidii iyo darbaddii heshay oo roobka, onkodka iyo hillaac lahaa iyo doonnidii degtay oo ay ka soo dabbaasheen iyadiyo Calimaax.

Waxaana habeenkii oo dhan riya ahaan la hor keenaayey aragtidii markay soo dabbaalanayeen iyadiyo Calimaax oo uu dhabarka ku sidey.

Sidaas aawadeed bay habeenkaas oo dhan u laba legdoonaysey oo hadba u dhinacyeynaysey ilaa waagii ku galalac yiri, iyadoo aan laba indhood isu keenin.

Habeenkii dambe gooray fiidkii tahay ayaa waxaa u timid Saluugla sidii ballanku ahaa. Haddaba markii lays bariidiyey ayey Cawrali soo jeedisey inay israacaan oo xeebta ku soo dabayshadaan,

Saluuglina waa yeeshay oo markaas xeebtii baa laysu raacay, oo xagga xeebta bogox magaaladii looga baxay. Cabbaar markii la wada socdey oo dhawr jeerna badda cagaha la geliyey,

ayey Cawrali burciid tuuran oo tamuux nadiif raaxale ah fariisatay, oo in yar dabadeed intay bari u jeensatay beerdhigaalaysay oo ku tiri Saluugla

“Saluuglay abbaaye waxaan helay meel macaane kaalay barbarkayga fariiso.” Saluuglaa intay barbar fariisatay Cawrala bey dhiidhiibsatay oo ku tiri “Cawralaay maxaad baddan inoo ag fariisisay waayo waxaan soo xusuusanayaa dhibaatadii inaka soo gaartay.” Cawralaa jawaabtoo tiri “

adiguna Saluuglaay waxaa laga yaabaa inaad badda araggeeda ka baqaysid anna waxaan u imi inaan dhibaatadaan ka soo maray dib u soo xusuusto, sababtoo ah waxay sidii biladayaha ii muujinaysaa ninkii Calimaax ahaa oo mawjadahaad hirkooda arkaysid intay le’eg yihiin ila soo dul maaxay oo i nabad keenay.”

Saluuglaa markaas tiri

 “naa bal kaalaye! Heedhe ma jacaylkaad ka sheekaynaysey habeenkaynu badda marayney ayaa ku haya, waxaanu waa yaabe.”

Waxay kolkaas ku jawaabtay Cawrali, naa waxba garan maayee, balse i maqal.

Baxanay habeennada             indha baal ma saarinoo,

Duni baadi weeyoo                 bilisina illowshaha,

Waa u beer nugeyloo             ba’a iyo baraaraha,

Baraarahay xuseeyaan           anse baal ka marayoo,

Biimahaad ogayd iyo              cirkoo biriq hillaaciyo,

Bartii roobka duufaan             biyihii shubmaayiyo,

Dakhalkii bacramay baan       baayey ku selelaa,

Bisin Alla bir weeyaan           sow bilow ma taabinoo,

Eebbe ima ballaysiin              anoo baaxa degayoo

Bes ah oo hafanayoo              bixi layd naftaydii,

Baaqaan hayey iri                   sow Cali-baxmaaxoo,

Berrigii imuu gayn                  baari iima qabanoo,

Ogoow wey badbaaddaa        naftaan Qaaddir bixinayn,

Waa baab jacayloo                 baarax uma ledaayoo

Baddaasaad arkaysoo             buuraha la moodoo,

Badraankii libaax iyo              hambabarada booddiyo,

Bahaluhu ka buuxaan             way bilaha dayaxoo

Buruudkii Badmaaxiyo            nuur layga biliyaa,

Waa boog jacayloo                 bukaankii la yaab ma leh,

Beerkiyo wadnaha iyo            bogguu hoy ku leeyahay,

Waa baab jacayloo                 billaawihii afaystoo,

Bedekayga degayoo                igu beeray boholyow,

Waa baab jacayloo                 waxa ii bogsiina ah,

Ama ii bushaara ah                oo ii baraara ah,

Ama ii barwaaqa ah               baanashada haweenoo,

Badmaaxaan hantayoo           beri aanu kulanoo,

Beryasamo ku waarraa.”

Markay Cawrali dhammaysay heestaad ayaa Saluugli intay labada dhafoor gacmaha saartay aamustay oo waxay ku hadasho garan weydey.

Haddaba, cabbaar hadday aamusnayd ayey ku tiri Cawrala, “alleylehe waxaa sheegaysey baa Cawralaay ku hayee maxaa talo ah oo aan kula qabtaa?”

Cawralaa markaas jawaabtay oo tiri

“waxaan u malaynayaa inaadan waxaan i haleelay waxba igala qaban karayn, laakiinse waxaan kaa codsanayaa haddaad geeladay tahay inaanu xaalkaasi ina dhaafin oo cidday gaarin. Sababtoo ah, sidaad ogtahay dadka Soomaaliyeed ceeb iyo wax xun bay u yaqaaniin jacaylka,

dabadeedna hadday i maqlaan waalidkay way i dayrinayaan. Midda kale sidaad ogtahay waan doonanahay markaas doonimaayo inuu arrinku iga dhicisoobo ilaa aan Calimaax arko oo wax meel isla dhigno, iyadoo sida muuqata ay dhib leedahay sidaannu isu heli doonno.

Waxaanna isku hayaa inaan ka daba tago ilaa Xaruntii Taleex iyo inaan waraaq u diro. Saluuglaa hadalkii qaadatoo tiri “horta sidaad sheegtay weeye Cawralaay dadkeennu jacaylka wax xun bay u yaqaanniin, waliba xagga dumarka iyada waaba dhimasho haddii lagu maqlo,

markaas ha iga biqin inaan kaa xog warramo. Midda kale haddaad ka dhabaysid inaad Taleex iyo halkuu joogay aaddid waan kuu wheel yeelayaaye ogow, anoo tala ahaan kuu soo jeedinaaya inaad horta waraaq u dirtid, oo hadduu markaas soo jawaabona waa saan rabnay hadduu soo jawaabi waayana aadno.

Hadday habeenkii gelinkiisii dambe noqotay, oo dayaxii baalka dhigay oo ay soo mugdiyawdey ayey labadoodii ka soo kaceen xeebtii oo soo aadeen magaaladii.

Markay Cawrala gurigoodii gelaysay ayey ku tiri Saluugla “waxaan xaalkaa ka yeelayno waan ka wada tashanaynaaye tu san.” Saluuglaa tiri “ waa tahaye nooli kulantee, adaanna kaa war sugayaa.”

Haddaba iyagaan muddo dhawr maalmood ah kala war qaadan ayey Saluugli maalintii dambe u timid Cawrala, waxayna u sheegtay goor barqo ah inay niman xaggaa iyo Xaruntii aadayaa joogaan magaalada.

Halkaasaa Cawrali degdeg intay qalinkii iyo waraaqdii isu qaadday iyadoo ku qoraysa af Carbeed hadalka intiisa kale, laakiinse ay gabayadu yihiin af Soomaali ay xuruuf af Carbeed ah ku qortay.

Waxay tiri oo ka bilawday warqaddeedii:

Gacaliye Calimaax,

Calimaax sidii johoradeed, yaanan kuu jamane,

Jannadii sidaad tahay, yaanan jawda kugu hayne,

Dabadeed aan kala jiidanne’e, mar ila soo joogso.

Qore

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *