Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 7aad

Spread the love

Halkaasaa Nuur Ciise bisinka cuskaday oo ashahaatey, Ilaahiisna badbaado ka baryey.

Waxaa dhacday in miiraalihii roob, hillaac, onkod iyo hig iyo dam, walaalac, iyo qararac ma’ahe wax kale laga waayey, biyihii guud ee cirkana shalalax ugu soo shubmeen doonniddi, baddiina hareeraha iyo gadaal iyo horeba ka soo gashay.

Markaasay heehaabtay doonnidii heelaheela dhexe sidii cayayaan dabayli siddo, ilaa uu ugu dambaystii dakhalkii soo kala jabay baarkiisii u sarreeyey uu hoos ugu libdhay baddii markay saacaddu ahayd 12:30 habeennimo oo ay xeebta Soomaaliyeed meesha ugu dhowi u jirtey 10 km.

Siday talada ku bixisay Cawrali waxay u baaqday Calimaax oo tiri, “Calimaaxow i qabo! Calimaaxoow i qabo! Calimaaxoow i qabo! Halkaasaa iyadoo baaxaadegaysa oo dhawr jeer leqday biyihii badda, Calimaaxoo ku soo tala galay, baaqeediina maqlay garab galay.

Rakaabkii kale iyo badmaaxyadiina waxay noqdeen wax dega, wax dabbaasha iyo dar alwaax Ilaah gacanta u geliyey oo ku dabbaashay ilaa berriga.

In kastoo Calimaax u ugu soo gurmaday Cawrala baaqeedii ahaa Calimaaxoow i qabo kuna soo talagalay inuu dumarka mid qaado oo uu markaa si degdeg ah u garab galay, intaanay aad u hafan una deign, gartayna markuu gacanta qabtay oo garabkiisa bidix kor ugu taageeray inay tahay ruux dumar ah,

laakiinse aanu kasin weli habar, murwo iyo gabar miday tahay, ayaa Cawrali la hadashay iyadoo indhaheeda ilmo ka da’ayso markii oogta waaberi soo baxday waagiina sagliyey.

Waxay tiri, “Caliyow waad mahadsan tahay Ilaahayna ha kaa abaal mariyo waxaad ii gashay in kastoo aanan weli hubin ineynu badbaadoo tegayno”. Cali baa markaas intuu dib u jalleecay damcay inuu lahadlo nasiibdarrise mawjad ayaa intay kor u qaadday hafisay oo afka u buuxisay hadalkiina ku celisay.

Mar labaad ayuu misna u holladay inuu la hadlo waase u suura geli weydey mawjadihii iyo maayadahii xooggoodii iyo culayskeedii uu dusha ku siday awadood. Mar saddaxaadkii buu wuxuu haleelay inuu yiraahdo keliya, “magacaaga ii sheeg” markaasay tiri, “waxaa lay yiraahdaa Cawrala Barre.”

Markaasuu isagoo hadba hafanaaya hadalkana joojoojinaaya yiri, “Cawralaay waxba hay mahad naqin, waayo waa wax waajib ah in la gargaaro ruux islaam ah oo Soomaali ah oo dhibaataysan. Waxaana jirtey intaan doonnidu degin inaan saddexdiina hablood ka fekeraayey sidii laydiin badbaadin lahaa. Markaan Caliyowda maqlayna degdeg baa xagga Ilaah kaa la iiga soo diray inaadan kollayba ku dhiman doonnidii markay degey, inta ka dambeysa wax kasta aad mudatide.”

Nasiib wanaag, waxaa dhacay in kastoo waxaan la arag oo la maqal oo duufaan iyo roob ahi habeenkii dheceen, markii waagii soo beryaayey cirkii waa kaadiyey, baddiina waa degtey oo xawaalis ku dhowaatey. Haddii kale uma suura gasheen inuu Calimaax si dhib yar ula dabbaasho Cawrala oo muddo dheer dusha ku sido isagoo aan daalin.

Waxaa shaki la’aan dhici lahayd haddaanay baddu karka joojin inay wada dhiman lahaayeen ama uu keligiis diriqi kaga soo bixi lahaa markuu Cawrala sidniinkeeda la kadeedmo.

Haddaba, markay cadceeddii soo baxday walise ay himhimow tahay ayaa Cawrali, Cali ku tiri, “Caliyow maxaad u malaynaysaa dadkii kale ee doonnida ina kula jirey inay ku sugan yihiin? Mase u malaynaysaa inay Saluugla iyo gabadhii kale iyo odaygii aad xifaaltameyseen ee Nuur Ciise Ilaah saac u bixinaayo oo ka saaraayo doonnidii? Ilaahayse waxaan ka baryayaa inaanay Saluugli geeryoon, maxaa yeelay goblan bay geeri badeed ku mudanaysaa oo waan u calaacalayaa iyado ifka ku luufluuftay inay isla markaasna geeri xun dhimato.”

Cali baa markaas wuxuu yiri, “horta anigu mid baan hubaa, inuu odaygii reer miyiga ahaa ee Nuur Ciise badbaadayn, sababtoo ah markay doonnidu degaysey ugu dambaystii sadxaddii buu fadhiyoo jilbaxidhnaa, wuxuuna igu yiri hadalkiisii u dambeeyey, “ar hayga tegin nacasyahow xaal waa xun yahaye.” Anna waxaan ku iri i sii sug waan kuu soo noqonayaye. Haddee waxaan u malaynayaa inuu aakhri igu sii sugaya illayn dabbaal ma aqoone. Cawralaay maantoo kalay kala haraan nin badmaaxa iyo reer miyi geel jire ahi.”

Markii waagii aad u beryey ayaa waxaa hareerahoodii ka soo baxbaxay hanbabarooyin [2] booddaalaysanaaya. Nasiib wanaagse waxba Ilaahay kaga ma keenin inkastoo mar midi sigtay oo Cali tuurta ku qaadday Cawralana barbar uga riddey. Markay ahayd barqa gaaban oo cirkii daruurtii ka yaryaraatay baddiina yar degtey ayaa hir madow oo dhereran uga muuqday xaggay u dabbaalanayeen.

Muddo yar dabadeedna, waxaa kor yimid Jaamanjoogtii iyo shimbirihii xeebta oo markaas himmad iyo niyadsan geliyey, inay u dhow yihiin berrigii Soomaaliyeed.

Waxaa jirtay inay dhowr jeer ilbidhiq ku arkeen markay mawjaduhu is gedgediyaayeen meel cabbaar u jirta ee ka yar horraysa waxay u maleeyeen madaxyo dad, oo qoryo ku jooga lagana yaabo inay ahaayeen dadkii doonnida kula jirey qaar ka mid ah.

Cawralaa markaas weydiisey Calimaax, waxayna ku tiri, “Caliyow ma laga yaabaa dadkaas inna ka horreya oo looxaanta waxa u eg ku jooga inuu ku jiro ninkii reer miyiga ahaa ee Nuur Ciise?” Cali baa markaas wuxuu ugu jaawaabay

 “Cawralaay kaasi inna ka horreyn maayo, waayo dabbaasha ma aqoon siduu igu yiri.” Calimaax wuxuu Cawrala dusha ku sidaba waxaa niyadsami gashay oo orodkii dabbaasha kordhiyey markay u muuqatay buurta Suradeed feeqeeda dheer.

Qore

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *