Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 8aad

Spread the love

Hadday soo dhowaadeen oo xeebtii u yimaaddeen in hal kiilomitir ah, ayaa Cawrali Calimaax ku tiri “Calimaaxoow sida ii muuqata baddan badbaadaynu kaga baxaynaa, in yar baana innoo ka hartay xeebtii, markaas lagama yaabo inaynu dib isugu cidlaysanno oo hadal ku kala bogannee,

waxaan kuu sii sheegayaa inaad marti iigu tahay magaalada Xiis ila intaad doontid.” Calimaax baa markaas ku jawaabay, “waa tahay Cawralaay haddaanay rag aan filayo oo Xaruntii Taleex ka yimid igu sugayn magaalada Xiis, waa kaa guddoontay martiqaadkaas.

Cawralaa markaas tiri, “waxaad Calimaaxow iiga warrantaa Darawiishta iyo waxay muhiwadoodu tahay, waayo sidaan doonnida dusheedii ka maqlaayey haddana ii muuqata ka mid baa tahaye.”

Calimaax wuxuu ku yiri, “Daraawiishtu waa dawlad u dhalatay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, muhiwadeeduna waa ilaalinta gobaninimada Soomaaliyeed iyo ilaalinta diinta Islaamka oo Ingiriiska iyo Talyaaniga iyo Xabashiduba duullaan ku yihiin doonayaanna inay burburiyaan oo markaa inna gumeystaan,

gaala madowna inna ka dhigaan. Waxyaalaha kale markaynu magaalada tagno ayaan kuu dhammays tirayaa.” Cawrala waxay markaas tiri, “Haddii muhiwada Darawiishtu sidaas tahay maad Calimaaxow i kaxaysid aan dagaalkaas gobannimadoonka ah ka qayb galee,

kaana barbar dagaallamee, mase raggu had iyo jeer wuxuu jecelyahay inaanay dumarku libinta gobannimada la qaybsan lana sinnaan ee ma oggolid?”

Cali hadalkaas Cawrala uga ma jawaabin, sababtoo ah waxaa xeebtii oo in yar u jirtey saacaddu markay ahayd 5.20 casar liiqii uga muuqday badwigii Nuur Ciise oo amakaag geliyey siduu baddii uga soo baxay ugana soo dheereeyey.

Waxaa kaloo xeebtii uga muuqday niman fardo wata oo uu u maleeyey Daraawiishtii sugaysey imaatinkiisa, oo warkii degidda doonnida loo sheegay soona birmaday si ay dadkii doonnida ka soo caariyey wax uga soo guraan.

Markay saacaddu ahayd 5.25 galabnimo waxaa ugu soo horreeyey Calimaax iyo Cawrala inay gacanta soo qabtaan Nuur Ciise iyo murwadii Saluugla’ oo xeebta ku sugaayey.

Halkaasay dhar ay la sugaysey Saluugli’ u gelisay amminkiiba Cawrala. Waxaa nasiib wanaag ahayd inay wixii dad doonnidii ka soo badbaado baxay, ka soo baxeen intoodii badnayd meel magaalada Xiis u jirta 5 km. halkaasoo degdeg loogu gurmadey oo la geeyey magaaladii Xiis,

Cawrala iyo Calimaaxna waxaa la sii fanaysiiyey fardahay wateen nimankii Daraawiishta ahaa, waxaana ka soo baxay doonnidii Cawrala iyo Calimaax, shiikh Araye Ceelabe, Nuur Ciise, marwo Saluugla’ iyo shan iyo toban baxaaridii ka mid ah, waxaana la waayey lix ruuxoo ay ka mid tahay gabartii saddexaad ee la oran jirey Haweeya.

Bacdama habeenkaas la wada raxaabaysnaa lana gataati dhacay, ruux walbina derintii loo dhigay siduu ugu jiifsaday isma loodin, khaas ahaanna Cawrala iyo Saluugli ilaa ay afar iyo labaatan saacadood hurdeen madaxa kor umay qaadin.

Raggiise markay abbaara barqadii ahayd, ayaa loo yimid oo afurkii aroornimo la siiyey isagoo laga soo sameeyey gurigii Cawrala Barre ee aabbaheed iyo hooyadeedba joogeen.

Afurkii haddii afka la saaray oo nin iyo laba jeer la degey, ayaa Nuur Ciise yiri, “Calimaaxow ma fileysey inaan baddaad ogeyd siday ahayd, intaan nabad kaga soo baxo berriga kugu sii sugo anoo weliba dadkii doonnida qaar ka mid ah gacan siiyey? Maxaadse iigu digatey ugana jeedday i sii sug markaan ku iri ar hayga tegin xal waa xun yahay? Midda kale weligaa ma maqashay naftaan Eebbahay dilin ma go’do?”

Markaasaa Cali yiri, “horta niman yohow waan ku gafey hadalkaas waxaana la yiraahdaa Ilaahay eray gef ah waa kaa yeeriyaa kugumase dhaafo, mana jiri la’a inuu Ilaahay karaan ku yahay naf dhimatay oo jiidhkeedii iyo jurmigeedii aboor cunay inuu soo nooleeyo, iskaba daa midu bad ka badbaadiyo’e. Haddaba, waxaad ii sheegtaan sidaad uga soo baxdeem?”

Naakhuudihii baa yiri, “Caliyow iska jir ninka la yiraahdo Nuur, waayo waa la weheliyaa’e, sababtoo ah, tiraba shan qof isagaa gacmaha intuu na qabtay na soo saaray looxaan u maleeyey sadxaddii uu ku fadhiyey oo aan doonnidii la degine ka soo go’day ugu horraystiiba.”

Nuur baa hadalkii qaatoo yiri, “horta anigu waa soomaa oo salaadaa, sadaqadana ma dhaafo, eexdana ma aqaanno, weligayna booli ma cunin, xaaraanna hadalkeedaba daayoo sadqa gawrac baan ahay, tuugana waxay ii tahay maalintaan isku deyey inaan hooyaday ka xado timir gobor barraho saaran,

taasna kuma liibaanin oo waxaan dabada soo qabsaday abeeso aabuq ah oo goborta ku jirtey. Ilaahay waan ka mutaystay inuu ii miciino oo wanaag madhax iiga dhigo maalintay iigu xumayd, wixii rag hoogey dumarna leeleelay inuu sadxaddii aan ku fadhiyey ii fikiyo oo aanan baddii cagaha marna gelin.”

Halkaas markay mareysey ayaa Shiikh Araye yiri, “Nuurow mar hadday runtaa tahay intaad sheegtay wallaad ku bannaan tahay nin karaama leh. Kolkuu dhammeeyey shiikhii hadalkii ayaa Calimaax kacay oo isla taagay nimankii Daraawiishta ahaa ee magaalada ku sugaayey si ay isu waraystaan.

Waxayna ku biiriyeen inay degdeg u baxaan, sababtoo ahayd Xaruntii Taleex ayaa laga qaamqaaminaayey duullaan lagu saaraayey gumeystihii Ingiriiska si looga kiciyo xeebahaas bari iyo magaalada Cadmeed ee saldhiga u ahayd.

Haddaba, Calimaax wuxuu ahaa dooyo ama horseed loo diray inuu ogaado soona ilaaleeyo Ingiriisku meeluhuu ka fadhiyey magaalada Cadmeed iyo agagaarkeeda isla markaasna war buuxa ka keeno xeebaha Maakhirkoost waxa doonya jooga si markaas Daraawiishi markay qabsato xeebahaas ay doonyaha intay qabsadaan

ugu gudbaan magaalada Cadmeed oo halkaas loogu cidhib tiro Ingiriiska ciidamadiisii saldhigyadaas ka soo gudbi jirey. Inuu Sayidku dareen ka qabay Ingiriiska Cadan degganaa oo uu doonaayey inuu duullaan ku saaro waxaa u marag ah gabaygiisan hoos ku qoran, oo uu ku yiri:

Maandhow raggii Laxaj jiroo, lodhadhaa yimide,

Maadhow lix seben buu fadhiyey, Laaso iyo Cayne,

Maandhow loxoskii horay ii ekayd, liinka gubiddiise.

Tixda u horraysa saddexdan tixood waxaa ku magacaaban magaalada la yiraahdo LAXAJ. Haddaba magaaladaasi waa magaalo, magaalooyinka Cadmeed ka mid ah oo u jirta magaalamadaxda Cadmeed 30 mayl oo xagga waqooyi ka xigta.

Sida taariikhdu sheegaysana ciidamadii Ingiriiska ee Darawiishtu la dagaallameysey magaaladaas Laxaj iyo magaalada la yiraahdo Beer Axmed ayaa saldhigyo u ahaa. Sidaas aawadeed baa Calimaax horseed ilaalo loogu diray inuu war tifaftiran uga keeno Taliskii Xarunta Darawiishta si duullaan magaciisa qarsooni ahaa “Baddacas” xeeladdiisa iyo tabatabayntiisa loo dejiyo.

Nimankaas Daraawiishta oo afar ahaa waxay iyana sii ilaaleeyeen tiradoodana qaateen doonyihii marsooyinka Xiis, Maydh, Laasqoray, Ceelayo, Qaw iyo Boosaaso dhignaa.

Qore

Faarax Maxamed Jaamac Cawl

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *