Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 5aad
Kalluunkeennu waa socoobaanka iyo, sodon kun oo jaade, Seerseer macaanow lebediinku waa, ugu sarreeyaaye, Oo Sallalaahu nebigii ayaa, sef ku gawracaye, Saxal iyo abaar kuma kacdiyo, samo kaliileede, Ma saanyado col duulaa hadduu, sarida kuu deexan Saxar cuduri saymaha adduun, abid ma saysaansho, Ninkiise saansaanyahay yaqaan iyo badaha saamkooda, Oo subaxdii horeetaba kacoo, seebka taranteersha,…
