Calaf Iyo Jacayl part3

Spread the love

inta la qoslay ayey gabadh kalana tidhi wacnaan lahaydaa haday lamaano noqdaan, waxay tamashleeyaanba waxa meel gaaban kaga soo baxday hoodo habaryarteed iyo wiilkii lala rabay, waxayna dareemeen in labadan xidhiidh ka dhexeeyo.

Wiilkii hoodo lala doonayey wuxu isku dayey inuu hoodo gaar ula baxo balse intaanuu la hadal ayey ardaydii su’aalo kala hor tageen wiilkii, waxayna waydiiyeen ka waran siday iskugu nuurayaan khaalid iyo hoodo? isagoon jawaabin ayaa arday kale ku yidhi saaxiib haday lamaane noqdaan sideed ugu hambalyeyn lahayd? wiilkii markuu arkay halkay xaaladi marayso ayuu si dhab ah u qancay, wuxuna yidhi farxadiinu waa farxadayda.

Ardaydii oo farxadoodu xadka dhaaftay, khaalid iyo hoodana dhoola cadayn isku jaleecaya, ayaa abaaro 5:30 galabnimo professor aadan dhamaantood ku war galiyey inay si dagdaga u diyaar garoobaan, isla markaana baabuurta fuulaan.

waxa goor habeenimo ah ay soo galeen magaaladii, qof waliba isagoo farxad la il daran ayuu gurigiisii tagay, khaalid laftiisuna isagoo kolba xasuusanaya farxadii dalxiiska, isla markaana is waydiinaya jawaabta kasoo bixi doonta hoodo ayuu gurigoogii tagay.

balse hoodo waxa markiiba su’aashay habaryarteed waxayna waydiisay waxa labadooda ka dhexeeya, hase ahaatee hoodo may jawaabin, markay guriga fooda galisayna waxa lagu salaamay in fiisihii usoo baxay oo 3 cisho dabadood baxayso, hoodo wax waliba kadis bay ku noqdeen, waxayna wayday wakhti ay go’aan ku gaadho.

Ardaydii markay markay maqashay in hoodo wadanka ka dhoofayso waxay abaabuleen xaflad sagootin ah, oo lagu macasalaamaynayo hoodo, khaalid wuxu ku go’aansaday inuu caawa war cad kasoo qaado hoodo, aad ayuu u labisanyahay wuxu gacanta ku sidaa ubax guduudan iyo hadiyad uu ugu talo galay hoodo.

Hotel ayaa layskugu yimid ardayduna way dhantahay hoodana kama maqna, laakiin waxa la sugayaa khaalid oo ahaa shakhsi aad loo taageero, cabaar markii la sugayey aadna loo raagsaday, ayaa lagu tashaday in xaflada la bilaabo wakhtiga oo yar awgeed, hoodo u qaadan waa ayuu ku noqday maqnaanshaha khaalid, sababtoo ah waxay doonaysay inay khaalid go’aan cad ku kala tagaan oo ay hubsato inuu caashaqu ka dhab yahay, maadaama ay bariba 10 ka subaxnimo diyaarada ku qoran tahay.

Xafladii way dhamaatay waxayna ardaydii si meeqaam sare leh ku sagootiyeen hoodo, waana lagu kala dareeray.

Wiil iyo gabadh ardayda ka mid ahaa ayaa is waydiiyey maqnaanshaha khaalid waxayna tageen gurigii khaalid balse dadkii guriga joogay waxay yidhahdeen khaalid intuu labistay ayuu fiidkii naga baxay, labadii arday waxay damceen inay baadidoonaan laakiin meel ay u dhaqaaqaan ayey garan waayeen.

khaalid cid ka warhaysaa ma jirtee qadarbaa ku dhacay, oo fiidkii isagoo xaflada ku soo socda ayuu la kulmay laba nin oo budhcad ah oo isku dayaya inay gabadh xoogaan, khaalid damiirkiisa ayaa siin waayey inuu iska dhaafo miskiintan budhcadu heshay, wuxuna ka damqaday dhawaaqa kasoo baxaya gabadhan oo ah (ala walaal iga qabo)

 khaalid wuxu bilaabay inuu difaaco gabadhan, aad ayey u dagaalameen, laakiin khaalid waxay madaxa kaga dhufteen dhagax, wuxuna ku dhacay dhulka waanuu miir doorsoomay, budhcadii markay aragtay in aanuu far dhaqaajinayn ayey baxsadeen iyagoo ka baqday in naftuba ka baxdo, khaalid waxa halkii ka qaaday niman ay u yeedhay gabadhani waxana la dhigay dhakhtarka.

3 habeenimo ayuu indhaha kala qaaday khaalid oo uu soo miiraabay, wuxu isku dayey inuu kaco balse kalkaaliyihii dhakhtarka ayaa ku yidhi waa saqdhexe waanad dhaawacan tahay ee intuu waagu baryayo ma bixi kartid, 5 tii subaxnimo waxa khaalid u yimid gabadhii uu daraadeed halista u galay oo ay la socdaan dad badani, markay xaaladiisa arkeen inuu nool yahay ayey gabadhii waydiisay khaalid reerkooga iyo meel lagala xidhiidho, laakiin khaalid wuxu gabadhii ka codsaday inuu fariin u dhiibo, fariintaas oo ku socota hoodo, way ka aqbashay waxayna u dhaqaaqday gurigii hoodo oo uu usoo tilmaamay.

Waxay raadisaba goor ay 8 dii aroornimo tahay ayey aragtay guri baabuur hor taagan yahay oo gaadhiga alaab lagu gurayo, waxayna waydiisay dadkii gabadh hoodo la yidhaa, waxa lagu yidhi gudaha ayey ku jirtaaye hore u soco.

gabadhii markay gudaha gashay waxay isha ku dhufatay laba hablood oo wada hadlaya, midi waxay leedahay ninkaasi waa beenaale oo way cadhaysan tahay, mida kalana waxay leedahay walaal hoodo shaydaanka iska naar, laakiin gabadhii fariinta siday ayaa tidhi idinkoo raali ah hoodo waatee, intay labadooduba soo jeedsadeen ayey hoodo tidhi waykan, gabadhii waxay tidhi isma garanaynee fariin ayaan kuu sidaa !!!!

Hoodo ayaa tidhi yaa kuu soo dhiibay???? gabadhii ayaa tidhi wiil khaalid la yidhaa ayaa iisoo dhiibay, hoodo markii horaba way cadhaysnayd markay magiciisii maqashayna waxay tidhi ma arki karo mana maqli karo ee u celi fariintiisa, balse hoodo saaxiibadeed ayaa tidhi hoodo waa ku sidee ma adoon waxba hubsan ayaad cadhoonaysaa, hoodo iyadoo cadhaysan ayey saaxiibadeed ku hor akhriday fariintii,

waxana ku qornayd (walaal hoodo hadaan ku calfan waayey waa nasiibe ducaan kugu ogahay) hoodo markay kalmadaasi dhagaheega ku dhacday ayey qalbiga ka naxday, daqiiqado markii la aamusnaa ayey gabadhii fariinta siday isku dayday inay iska noqoto,

laakiin intayna dhaqaaqin ayey dib usoo jeedsatay waxayna tidhi walaal hoodo khaalid iimuu sheegin gurigooga ee kiina ayuumbuu ii tilmaamay ee ma ii tilmaami kartaa, si dadkoogii uga war helaan waayo dhakhtarku wuxu sheegay in qaliin dagdaga lagu samaynayee, mar labaad ayey naxday hoodo, hadalna wuu kasoo bixi waayey oo shoog ayaa qabsaday, laakiin hoodo saaxiibadeed oo iyaduna naxsan ayaa tidhi walaal waxa dhacay maad noo sheegtid, gabadhii way u warantay siday wax u dheceen iyo xaaladuu ku suganyahay imika, iyo siduu hoodo uga warwarayo.

Hoodo jacayl oodihiisa wataa dabarka ku soo goostay, wuxu beerkeegu hayn waayey waxa la sheegayo, kalgacayl aan yaraynbaa ku habsaday, tin iyo cidhib dhidid baa qooyey, kal iyo laab jidhidhico jacaylbaa isku jabisay, indhahana ilmo aan xad lahaynbaa kasoo daadatay.

Hoodo iyadoon dhana eegin ayey dhakhtarkii gashay, waxay aragtay ardaydii jaamacada oo dhamaan wada jooga oo aad u murugaysan, waxay is tidhi malaha wuu dhintay, oo qof ay wax waydiiso ayey garan wayday, balse professor aadan ayaa si dagan ula hadlay, wuxuna u sheegay inuu noolyahay balse qolka qaliinka uu ku jiro.

Hoodo iskadaa diyaarad iyo dhoofe nafteedii ayey ilowday, habaryarteed oo ka daba timid una sida fiisihii iyo baasaboorkiina intay ka qaaday ayey halkii ku googoysay.

nasiib wanaag khaalid wuu soo kacay waxa usoo galay ardaydii oo dhan waxa ag fadhida hooyadii, hoodo farxad iyo yididiilo ayaa gashay, laakiin waxay wayday awood ay qolkii ku gasho, balse professor aadan ayaa niyada u dhisay oo ka caawiyey in mar uun indheheegu qabtaan.

ugu dambayn waxay noqdeen lamaane nolosha qaybsada isla qaybsada, waxa u bilaabantay nolol cusub, sanad walbana waxay u dalxiisi jireen goobtii la magac baxday (dalxiiskii caashaqa)

dhammaad

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *