Calaf Iyo Jacayl part2

Spread the love

Markay dhamaantood dhulka cagaha soo dhigeen waxay indhaha la raaceen muuqaalka yaabka leh ee dhulkani leeyahay iyo neecawda macaan ee ka dhacaysa, waa goor barqo ah jawiguna aad u macaan yahay, professor aadan wuxu ardayda ku war galiyey inay fasax u yihiin bilowga dalxiiska wuxuna uga digay meelaha khatarta ah, kadib ardaydii iyagoo isku qaybiyey dhawr kooxood ayey koox waliba jiho u dhaqaaqday.

Khaalid wuxu ka mid ahaa ardayda ugu mudakarsan jaamacada, isla markaana wuxu ka mid ahaa xubnihii fikrada keenay in dalxiis loo baxo, balse khaalid maalintani waxay u ahayd maalin ka duwan maalmaha kale, sababtoo ah waxa maalintan ku cusbaa dareen xiiso galiyey naftiisa, oo markuu baska ka soo dagay indhihiisu waxay si toos ah ugu dhaceen hoodo,

oo intay ardaydu dhulka daawanaysay isagu wuxu ku jeeday gabadhan, falaadhaha cadceeda iyo laydha macaan, jawiga xasiloon iyo labiska qurxoon ee ay hoodo wadato iyo farxada ka muuqata, ayaa mar kaliya iskugu beegmay, waxa halkaa ka dhalatay in khaaalid uu dareemo xiiso iyo kalgacal saayid ah.

Maadaama ay hoodo tahay gabadh aad loo ilaaliyo waxa maalintana la socotay habaryarteed, waxana adkaatay siduu khaalid ula kulmi lahaa hoodo, Waxa galinkii hore la soo wareegaba waxay gaadhay duhur, islamarkaa waxa dalxiisayaashii lagu war galiyey inay dhamaantood iskugu yimaadaan geed damal ah oo aad u wayn hadhkiisuna wanaagsan yahay,

si loo qadeeyo, khaalid wuxu codsaday inuu isagu qaybiyo cuntada waayo wuxu wali raadinayaa fursad uu kula hadlo hoodo, khaalid wuxu cuntadii qaybiyaba wuxu soo gaadhay bartay fadhiday hoodo wuxuna la kulmay hoodo iyo habaryarteed iyo wiil kamid ah dalxiisayaasha oo gooni u fadhiya,

 isagoo qalbiga ka naxay ayaa waxa dhagihiisa ku soo dhacay hadalo ay is waydaarsanayeen 3 qof oo ah (habaryar wiilkan inaad aqbasho ayaan kula jecelahay) !!!!!

Khaalid isagoo ka biyo diiday wiilkan hoodo loo sasabayo ayuu cuntadii u dhigay, marku dib u laabtay ayey la hadashay hoodo waxayna ku tidhi walaal waxba maad cunine nala fadal, khaalid intuu yidhi mahadsanid ayuu iska dhaqaaqay,

markii la qadeeyey ayaa waxa la bilaabay sheekooyin iyo kaftan goos goos ah, balse khaalid kamuu qayb galin, goor ay casarkii tahay ayaa loo dareeray dhulkii lagu dalxiisayey, balse khaalid kamuu qayb galin wuxuna kaligii joogaa baabuurta agtooda,

 hoodo waxay dhalintii ka dhex wayday khaalid waxana loo sheegay in khaalid ku sugan yahay baska dhexdiisa, hoodo intay habaryarteed ku tidhi waan soo noqonayaaa ayey khaalid oo kaligii ah u timid.

Khaalid isagoo isla maqan ayey hoodo ku soo jeedisay cod dabacsan, khaalid wuu farxad naxay waxa madaxa ka fuqday qolof wayn tin iyo cidhibna wuu jidhidhicooday, kadib waxay hoodo su’aashay waxa dadka ka reebay, isagoon jawaabin ayey hadana waydiisay dhawr su’aalood,

 balse khaalid intuu qalbiga iskala hadlay ayuu go’aansaday inuu badheedhihiisa cadeeyo, wuxuna yidhi: Walaal hoodo muddo sanad ahba waxaan rabay inaan kula hadlo balse iimay suuro galin, hayeeshee waxaan maanta kuu sheegayaa inaan aad kuu jeclahay,

waan ogahay inaad wadanka ka dhoofayso, waxa kaloon ogahay in reerkiinu doonayaan inay kuu dhisaan wiilkii aad qadada wadaagayseen, hase ahaatee waxaan ahay qof kuu boholyoobay oo ilaa xad ku jecel, balae go’aanka adigaa iska leh,

hoodo waxa ku duxay hadalada khaalid iyo kalgacaylka uu la hoos joogo, isla markaa hoodo kumay dagdagin go’aankee waxay khaalid usoo jeedisay inuu sheekadaa dib u dhigo oo uu ka qayb qaato dalxiiska.

Khaalid waxa qalbigiisa saaqay dareen farxadeed wuxuna ka ogolaaday inuu dalxiiska ka qayb qaato.

Khaalid iyo hoodo way wada socdaan, socod qabaw ayey ku laafyoonayaan, waxayna is waydaarsanayaan kaftan kalgacayl ka muuqdo, iftiinka cadceeda oo jihada galbeed ka xigta iyo dhulka cagaaran iyo jawiga xasiloon iyo neecawda macaan ayaa muujiyey shacnigooga,

oo midba midka kale ayuu hoosta ka eegayaa, waxa kusoo lug daray koox ardaydii ka mid ah oo aad ugu khushuucay siday iskugu soo baxeen, markiiba waxa lala boobay sawiro, farxada iyo qosolka iyo raynraynta ka muuqataa waa mid saa’id ah, wiil ka mida ardayda ayaa si kaftana u yidhi dalxiiskeena waxa aad u nuuriyey khaalid iyo hoodo,

https://dev-jacayl.pantheonsite.io/

Lasoco qaybta kale

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *