Calaf Iyo Jacayl part1

Spread the love

 

5:00 galabnimo ayey si kadisa u kulmeen khaalid iyo hoodo, islamarkaa waxay ku kulmeen goob hotel ah oo uu khaalid ka shaqayn jiray wuxuna ka ahaa (witer) mudalab.

khaalid wuxu ahaa wiil aad u wanaagsan wuxuna ka mid ahaa aradayda loogu jecelyahay jaamacada, khaalid waa bulshaawi xadaari ah, khaalid waa danyar balse kama muuqato oo qalbiga ayuu qani ka yahay, khaalid galinka hore wuxu tagaa jaamacada galinka dambana wuxu ka xoogsadaa hotelkan,

hoodo marnaba kamay filayn inay halkan oo kale ku aragto, balse waxay u khushuucday siduu iskugu kalsoonyahay una ilaashanayo shaqadiisa iyo waxbarashadiisa inkastoy markii hore qalbiga iskala hadashay oo ay is tidhi khaalid muu iska kaa qariyo.

Khaalid wuxu aad ugu farxay aragtida hoodo wuxuna u arkayey inay tahay fursad dahabi ah, sababtoo ah wali qalbiga khaalid muu soo ban dhigin ujeedadiisa uu ku doonayo hoodo, khaalid wuxu isku dayey inuu hoodo u sheego inuu arin muhiima u leeyahay balse waxa jaaniskii uu quud-daraynayey ka dhicisaysay gabadh habaryar u ah hoodo oo la socotay oo uu meel uu ka maro waayey, fursadaasina halkaasay ku dayacantay.

Hoodo waa gabadh khaaligu ku manaystay qurux oo jidhkeega laga ilaaliyey xubin la noco, hoodo waa gabadh xishood badan oo hadal gaaban isla markaana waalidked ku soo koriyeen tarbiyad wacan taas oo dhalisay inay noqoto gabadh had iyo jeer asturan, waana hablaha dhifka ah ee ugu ixtiraamka badan jaamacada.

koox uu khaalid ka mid yahay waxay abaabuleen in ardaydu u baxdo dalxiis, sidaa darteed professor aadan arintaa wuu ansixiyey waanuu ka ogolaaday dalxiiskaa.

Abaaro 5 subaxnimo ayuu khaalid u kacay tabaabushe iyo is diyaarin uu isku diyaarinayo dalxiis la magac baxay (dalxiiskii caashaqa ) waa koox dhalinyaro ah isla markaana ku bahoobay jaamacad ay wada dhiganayeen, waxayna ka koobnaayeen 15 wiil iyo 10 hablood, waa dalxiis si farshaxanimo leh loo soo diyaariyey, waxa kooxda dalxiisaysa hogaaminaya professor ka mid ah macalimiinta jaamacada.

dhamaan kooxadani aad ayey u xiisaynayeen dalxiiskan, waxayna in badan sugayeen wakhtiga la baxayo oo ku beegnayd 14/6/2010 waana maalin salaasa ah, qof kasta oo ka mid ahaa dalxiisayaashu aroor horaba wuu is diyaariyey,

xiisaha iyo xamaasada ay u hayaan awgeed, waxa isna diyaar ahaa gaadiidkii ay raaci lahaayeen oo kala ahaa bas iyo lankaruusar.

Wakhtigu waa gu’ dhulkuna aad ayuu u roobanyahay, goobta dalxiiska loo tagayaana waa dhul badanaa dadku u dalxiis tagaan, waxayna caan ku tahay bad, buuro, durduro iyo dhul cagaaran oo geedo leh.

saacadu markay maraysay 6 subaxnimo wuxu qof kastaa heegan ku ahaa kursiga gaadhiga, professor aadan markuu hubsaday in ardaydu dhantahay ayuu fadhiistay kursigii loogu talo galay, 6:30 subaxnimo ayey ka ambabexeen magaaladii ay joogeen.

Dhamaan dalxiisayaashu waxay sitaan sahaydoodii, aad ayey ugu faraxsanyihiin dalxiiskan, intay jidka ku sii jireen waxay gudaha baska ka bilaabeen hadalo kaftan ah, dhamaan waa dhalinyaro waxa farxadooda u dheereyd labiska quruxda badan ee ay xidhan yihiin, muddo 3 saacadood ah ayey ku qaadatay inay gaadhaan meeshay u socdeen.

Lasoco qaybta kale

Similar Posts

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *