Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 3aad

Naakhuudihii doonnida oo la oran jirey Shirdoon Sugulle ayaa haasaawihii isagoo taageeraaya Nuur Ciise soo dhex galay, wuxuuna yiri, “Caliyow maad iska deysid Nuur iyo reer miyiga faallihiisa, sababtoo ah waxaan qabaa inaadan Nuur hadal la ekaynayn oo uu gabayo iyo maahmaaho kugu hafinaayo”. Nin kale oo afraad lana oran jirey, Magan ayaa hadalkii qaatoo…

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 2aad

Haddaba, Cawrali waxay yaraanteedii ku barbaartay dhulka buurahaas, dhirtaas, shimbirahaas iyo quruxdaas leh, oo gabaygaas ku sifaysan. Cawrali waxay ahayd kuna tilmaannayd gabar aan meel laga saluugo lahayn dhan kastaba ha ahaatee, midabkeeduna wuxuu ahaa midabka midabada ugu wanaagsan oo maarriin dhalaal casaan raac ah. Jooggeedu wuxuu ahaa dherer dhexe oo dhex yar, oo tima…

Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 1aad

ARAR In kastoo sheekadanu tahay mid la qurxiyey lana xariiriyey qaarkeed, hase ahaatee waa mid run ah oo ka dhacday dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan markay qiyaastii taariikhdu ahayd 1913kii ilaa 1922kii waxayna ku saabsan tahay jacayl ay gabar la dhihi jirey Cawrala Barre jeclaatay ninka…