{"id":548996,"date":"2023-04-20T04:54:57","date_gmt":"2023-04-20T04:54:57","guid":{"rendered":"https:\/\/naagwacan.com\/?p=548996"},"modified":"2023-04-20T04:54:59","modified_gmt":"2023-04-20T04:54:59","slug":"aqoondarro-waa-u-nacab-jacayl-qaybtii-13aad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/naagwacan.com\/?p=548996","title":{"rendered":"Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 13aad"},"content":{"rendered":"\n<p><\/p>\n\n\n\n<p>Haddabam ha nacasoobin oo hanna jabin oo hanna waasiin xoolahaas aanu qaarkood gabbaati u sii qaadannay kaliishii dhoweyd. Midse waan kuugu garaabayaa oo waxay tahay ninkii badda kaa soo saaray wax loo abaalgudo waa yahay,<\/p>\n\n\n\n<p>hase ahaatee ninka hadda Xarunta iyo Taleex jiraa muxuu kaa ogyahay, iska illow oo danahaaga ka raac. Tu kale waxaan maqlay inaad gabaydide bal anna i maqal waxa ku hayaan weer ka oranayaaye.<\/p>\n\n\n\n<p>Cawrala Barraay Calimaax, calan laguu saarye,<\/p>\n\n\n\n<p>Wuxuu kaaga cararayba, waa cabashadaadiiye,<\/p>\n\n\n\n<p>Cureejaa laguu dhigi lahaa, kun iyo caycayne,<\/p>\n\n\n\n<p>Cood baa laguu dhaqi lahaayoo, ma caddilaanteene,<\/p>\n\n\n\n<p>Cayaaraa laguu tumi lahaa, cis iyo maamuuse,<\/p>\n\n\n\n<p>Cawadaada eed wadigii, been cawaansadaye,<\/p>\n\n\n\n<p>Cawralaa markaas ku tiri walaalkeed \u201chorta Dalmaroow adigaa iiga dhow aabbe iyo hooyo oo aad moodda inaad in yar garasho u leedahay jacaylkan i haya, balse inta kaa dhimanna aan kaa dhaadhiciyee i dhegayso.<\/p>\n\n\n\n<p>Dalmarow warkaagii&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; dabeebtaadi heesaha<\/p>\n\n\n\n<p>I durtoo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; i damaqdoo<\/p>\n\n\n\n<p>Doqoni sokeeyiyo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; dulmar hadala seegtoo<\/p>\n\n\n\n<p>Dacalkiyo agteedaa&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; loo dalag dhigaayoo<\/p>\n\n\n\n<p>Anse daaqsin geel baad&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; iigu dabartay maansada<\/p>\n\n\n\n<p>Wuxuu hadal dux leeyahay&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; daliilkiisa sheegtaye<\/p>\n\n\n\n<p>Bal wax kaa dahsoonaa&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; aan debinta saaree<\/p>\n\n\n\n<p>Ha u qaadan deelqaaf<\/p>\n\n\n\n<p>Waa doog jacayloo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; waa dab iyo naaroo<\/p>\n\n\n\n<p>Waa danab sidiisoo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; waa walax dadyahanoo<\/p>\n\n\n\n<p>Waa dabaylo gaaroo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; anna ma doonan heedhee<\/p>\n\n\n\n<p>Dar alluu ka yimiyoo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; malag duulayaa siday<\/p>\n\n\n\n<p>Isagaygu duraayoo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; i dul keenay maandhow<\/p>\n\n\n\n<p>ma dow baa walaalow&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; inaad igu dagaashaa?<\/p>\n\n\n\n<p>Duunyo layga doortaa&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; urug aan deddoodaa<\/p>\n\n\n\n<p>Waa doog jacayloo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; waa dab iyo naaroo<\/p>\n\n\n\n<p>Waa danab sidiisoo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; waa wax dayahanoo<\/p>\n\n\n\n<p>Waa dabaylo gaaroo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; diirkiyo laftuu xulay<\/p>\n\n\n\n<p>Beerkuu dalooshaday&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; feeraha dareersani<\/p>\n\n\n\n<p>Wey wada damqanayaan&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; darbaddiyo xanuunkaan<\/p>\n\n\n\n<p>La daalaadhacayaa<\/p>\n\n\n\n<p>Haddii deeq laguu dhigo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; damcaddeed saluug tahay<\/p>\n\n\n\n<p>In kastay dulbaaxiyo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; darib saafi ay tahay<\/p>\n\n\n\n<p>Ogoobay dul hoos&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; uurka uma degaysoo<\/p>\n\n\n\n<p>Waa dacar qaraaroo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; waa timirta doocaan<\/p>\n\n\n\n<p>Waa doog jacayloo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; waa dab iyo naaroo<\/p>\n\n\n\n<p>Waa danab sidiisoo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; waa walax dadyahanoo<\/p>\n\n\n\n<p>Waa dabayla gaaroo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; dawadiisa waayeye<\/p>\n\n\n\n<p>Ma aroos daadduucaan&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; dullinimo u yeelaa?<\/p>\n\n\n\n<p>Mise daad i qaadyey&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; duurgal baan ahaadaa?<\/p>\n\n\n\n<p>Dugaaggaa habqamayiyo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; deeradaan la dersaa<\/p>\n\n\n\n<p>Ma duulaaye Mariskaan[1]&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; i daadahee iraahdaa?<\/p>\n\n\n\n<p>Diirad buu wataayoo&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; &nbsp;dalkuu waayo tegey baan<\/p>\n\n\n\n<p>Ii dawi iraahdaa?<\/p>\n\n\n\n<p>Daayinow Allahayow&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; Adaa daa\u2019imaayee<\/p>\n\n\n\n<p>Inta dunida maanta ah&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; dabiibkay na kulansii.<\/p>\n\n\n\n<p>DUULLAANKII DARAAWIISHTA EE \u201cBADDACAS\u201d<\/p>\n\n\n\n<p>Mar loo malaynaayo inay taariikhdu qiyaastii ahayd bishii Nof. 1916kii ayaa Seyidkii duullaan uu magaciisa qarsooni ahaa \u201cBADDACAS\u201d oo uu xeeladdiisa dejiyey markuu muddo dheer dersaayey ku saaray xeebahaas Maakhirkoost.<\/p>\n\n\n\n<p>Maakhirkoost waxaa lasyku yiraahdaa magaalada Xiis, Laasqoray, Maydh, Ceelaayo, Qaw iyo Boosaaso.<\/p>\n\n\n\n<p>Duullaankaas waxay tallaabadiisa labaad ahayd marka magaalooyinkaas daraawiishtu qabsato, inay isla markaas gacanta ku dhigaan waxa doonyo marsooyinkaas dhigan.<\/p>\n\n\n\n<p>Doonyahaas waxay daraawiishtu la damacsanayd inay ciidan ku gurto oo markaas Baddacas kaga gudubto ilaa magaalada Cadmeed,<\/p>\n\n\n\n<p>dabadeedna ciidamadii Ingiriiska oo halkaas fadhiyey ku soo baabiyaan iyagoo warmaqabto ah.<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaba, bacdamaa Calimaax ahaa ninkii Cadan soo ilaaleeyey meelihii ciidamada Ingiriisku degganaayeen, isla markaasna uu ahaa nin badaha aqoon dheer u leh, wuxuu amar hoose ku qabay.<\/p>\n\n\n\n<p>isagoo abbaanduulihii keliyi la ogyahay in mar alla marka la qabsado magaalooyinkaas uu ciidan u gaar ah oo soomajeestayaal ah doonyihii ku guro,<\/p>\n\n\n\n<p>oo kaga dejiyo habeen labaadka buurta la yiraahdo Jabalshamsaan dhankeeda cadceed ka soo bax, halkaasna uu weerar kaga qaado ciidamadii Ingiriiska intaan waagu u beryin.<\/p>\n\n\n\n<p>Ciidamadii Daraawiishtu waxay ka baxeen Taleex taariikhdaas sheegan iyagoo toobinka haya, wuxuuna ciidankaasi u kala baxsanaa saddex madax.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxa hore waxaa la oran jirey Maarraweyn wuxuuna ka degey dhabbada Tabca isagoo beegaayey Xiis, Maydh in Conqor.<\/p>\n\n\n\n<p>Madaxii labaad oo ahaa Indhabadan wuxuu ka degey Geeldoora isagoo beegaayey Laasqoray, Ceelaayo iyo Boosaaso, kii saddexaad oo ahaa Garboh wuxuu ka degey laba dhaxaaddii labadaas ciidan u dhexaysey ee dooxada Jiidali ku beegan.<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaba, Calimaax wuxuu ka tirsanaa ciidankii labaad ee Indhabadan la oran jirey, beegayna dhanka ugu bariyeysa.<\/p>\n\n\n\n<p>Sida la ogsoon yahay ciidamadii Daraawiishtu toddoba maalmood bay ku qabsadeen magaalooyinkii xeebaha kuna baabiyeen ciidamadii gumaystaha iyo kuwii la socdey.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxse nasiib derri ahayd oo fuli weydey xeeladdii duullaanka tabatabaynteedii labaad oo ahayd in doonyaha marsooyinka dhigan oo dhan gacanta Daraawiishti ku dhigto oo magaalada Cadmeed ciidan loogu gudbiyo.<\/p>\n\n\n\n<p>Taasna waxaa u sabab ahaa dadkii doonyaha lahaa oo Daraawiishta ka soo horjeeday, ayaa markay u caddaatay inay jabeen berrigiina lagaga adkaaday la baxsaday doonyihii, iyagoo u qayla geynaaya Ingiriiskii Cadan iyo Berbera fadhiyey.<\/p>\n\n\n\n<p>Qore<\/p>\n\n\n\n<p>Faarax Maxamed Jaamac Cawl<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Haddabam ha nacasoobin oo hanna jabin oo hanna waasiin xoolahaas aanu qaarkood gabbaati u sii qaadannay kaliishii dhoweyd. Midse waan kuugu garaabayaa oo waxay tahay ninkii badda kaa soo saaray wax loo abaalgudo waa yahay, hase ahaatee ninka hadda Xarunta iyo Taleex jiraa muxuu kaa ogyahay, iska illow oo danahaaga ka raac. Tu kale waxaan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_kad_post_transparent":"","_kad_post_title":"","_kad_post_layout":"","_kad_post_sidebar_id":"","_kad_post_content_style":"","_kad_post_vertical_padding":"","_kad_post_feature":"","_kad_post_feature_position":"","_kad_post_header":false,"_kad_post_footer":false,"_kad_post_classname":"","footnotes":""},"categories":[61],"tags":[60],"class_list":["post-548996","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-aqoondarro-waa","tag-aqoondarro-waa"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/548996","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=548996"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/548996\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":548997,"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/548996\/revisions\/548997"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=548996"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=548996"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=548996"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}