{"id":548922,"date":"2023-04-03T10:41:20","date_gmt":"2023-04-03T10:41:20","guid":{"rendered":"https:\/\/naagwacan.com\/?p=548922"},"modified":"2023-04-06T12:32:01","modified_gmt":"2023-04-06T12:32:01","slug":"aqoondarro-waa-u-nacab-jacayl-qaybtii-1aad","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/naagwacan.com\/?p=548922","title":{"rendered":"Aqoondarro Waa u Nacab Jacayl qaybtii 1aad"},"content":{"rendered":"\n<p><\/p>\n\n\n\n<p><\/p>\n\n\n\n<p>ARAR<\/p>\n\n\n\n<p>In kastoo sheekadanu tahay mid la qurxiyey lana xariiriyey qaarkeed, hase ahaatee waa mid run ah oo ka dhacday dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan markay qiyaastii taariikhdu ahayd 1913kii ilaa 1922kii waxayna ku saabsan tahay jacayl ay gabar la dhihi jirey Cawrala Barre jeclaatay ninka la oran jirey Calimaax.<\/p>\n\n\n\n<p>Calimaax wuxuu ahaa markaas afartan jir xaas leh, wuxuuna ahaa nin garaad fiican leh gabayaana ah, waxse nasiib darro ahayd inaanu sida wax loo akhriyo ama loo qoro aqoon, taasoo ay ka dhasheen dhibaatooyin waaweyn oo ka gaaray xaashadihii gabayada jecaylka sirta ahaa oo ay u dirtay Cawrali.<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaba, in kastoo sheekadani salkeedu yahay jacaylkaas dhex maray Cawrala iyo Calimaax, ula jeedooyinka ku jiraa loogana dan leeyahay, oo ay wax ka tusaalaynaysaa&nbsp; waa waxyaalaha hoos ku qoran.<\/p>\n\n\n\n<p>\u2022&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; b) Tan u horraysa, waxay wax ka tusaalaynaysaa dhibaatooyinka, danqaaraha iyo waxyeellada ay dadka u leeyihiin wax akhris la\u2019aanta iyo wax qoris la\u2019aantu.<\/p>\n\n\n\n<p>\u2022&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; t) Tan labaad sheekadanu, waxay tusaalaynaysaa heerkay haweenka Soomaaliyeed kaga jireen dhaqanka iyo murtida Soomaaliyeed, isla markaasna waxay muujinaysaa qaybtey jacaylka ka qaateen beryihii hore.<\/p>\n\n\n\n<p>\u2022&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; j) Tan saddexaad oo ah tan ugu qaaya weyn, waxay daaha ka qaadaysaa ruuxa waddaniga ah oo dalkiisa kalgacal u qabaa inaanu ahayn kan dib uga laabma ama ka cataaba hadduu dhibaatooyin iyo silic kala kulmo daryeelidda, ilaalinta xornimada, iyo gobannimada dalkiisa.<\/p>\n\n\n\n<p>\u2022&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; x) Tan afraad waxay wax ka tusaalaynaysaa samaha sinnaantu leedahay, iyo saymihii sinnaan la\u2019aantii ka dhexaysey raggiyo haweenkii hore. Waxay kaloo isla mar ahaantii wax ka tusaalaynaysaa taariikhda, dhaqanka qotada dheer iyo caadooyinkii ummadda Soomaaliyeed.<\/p>\n\n\n\n<p>\u2022&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; Kh) Tan shanaad waxay wax ka muujinaysaa joqoraafiga iyo taariikhda gobolkaas Sanaag oo ah gobolkay ku dhasheen Cawrala iyo Calimaax, isla markaasna waxay tusaalaynaysaa faa\u2019iidooyinka kalluunka cuniddiisu u leedahay dadka.<\/p>\n\n\n\n<p>\u2022&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp;&nbsp; d) Tan lixaad waxay tusaalaynaysaa in haasaawaha iyo muranka lagu murmo af Soomaaliga ay lagama maarmaan tahay in murti, gabay, saar, geeraar, hees, guurow, jiifto, shirib iyo maahmaaho ay saldhig u ahaadaan, haddiise aanay murtidaasi ku jirin taageeraynna, wax kastoo lagu hadlo, fara kastana hadalku ha lahaadee, inuu qiimihiisu yar yahay. Sidaas darteed, waxay ka fursanwaa noqon weydey, inay sheekadanu gabay, maahmaaho iyo heeso ku dhisnaato, oo ay meelo badan ka soo galaan.<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaba, inkastoo berigaas magac heello la yiraahdo aanu jirin, hase ahaatee waxa jirey heeso la sansaan ahaa, laakiinse ay dhihiddoodu iyo habka ku luuqayntoodu ka duwaneyd heellooyinka haatan jooga. Markaas heesaha buuggan ku qoran iyagoo ah heesihii berigaas jirey baa misna sidii heesaha maanta jooga loogu luuqayn karayaa.<\/p>\n\n\n\n<p>***<\/p>\n\n\n\n<p>AFEEF<\/p>\n\n\n\n<p>Ugu dambaystii, iyadoo sheekadani tahay mid run ah, hase ahaatee sidaan hore ugu sheegay aan qaarkeed xarxariiriyey, khaas ahaanna qaarkeeda dambe dheehdheehay, si ay taabba gal u noqoto, waxaa markaas iga afeef ah in haddii innaba wax dhaliil iyo daldalool ahi ka muuqdaan habka iyo hannaanka dhismaheedu yahay ay sabab u tahay afkeennoo aan hore u qornaan jirin, oo markaas aan hab la raaco qorriinkiisu lahayn hadda ka hor. Iyadoo ay misana dhibaatooinkaasi jiraan, saas looga harimaayo, waayo waxaa Soomaalidu ku maahmaahdaa \u201ccanaan ka yaab reer ma doojiyo\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p>Midda kale dadka magacyadoodu buuggan ku qoran yihiin qaybna kaga jira sheekadan, laakiinse aanay wehelin Cawrala iyo Calimaax iyo raga gabayadoodii xigashada loo soo qaatay, waa magacyo dad dedan oo lagu dhisay sheekadan.<\/p>\n\n\n\n<p>***<\/p>\n\n\n\n<p>KICITAANKII CAWRALA IYO CALIMAAX<\/p>\n\n\n\n<p>\u2026\u2026.. Waxaan ahay haddii runtii lagu arooro Cawrala Barre, oo ah middaan sheegay oo isheedu iyo laabteedu ku raaceen aragtideedii u horraysey, oo aad shaki la\u2019aan nafteeda iyo ruuxeeda leedahay, aadanse adigu ogeyn, iyaduse had iyo jeer habeen iyo dharaar, hurdiyo soojeed kugu hamiyeysa oo jacaylkaaga iyo kalgacalkaaga oo jiidhka iyo lafaha galay aawadood oon iyo anfaco diiddey<\/p>\n\n\n\n<p>.<\/p>\n\n\n\n<p>Cawrala Barre waxay ku dhalatay markay taariikhdu qiyaastii ahayd 1893kii dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan. In kastoo yaraanteedii ay magaalada joogi jirtey inta jiilaalka ah, hase ahaatee waxay badsan jirtey miyiga halkaasoo aabbaheed ku dhaqan jirey xoolo aan badnayn.<\/p>\n\n\n\n<p>Sida la ogsoon yahay magaalad Xiis waxay ku hoos taal buuraha Caleed, buurihii Golisna loo yaqaanno, waxayna is hayaan buurahaasi ilaa Karinboosaaso iyo ilaa Boorama haddii xagga bogox loo raaco, halkaasoo ay misana sii dhereran yihiin ilaa Harar. Xagga barina haddii laga bilaabo Karinboosaaso waxay is hayaan ilaa Baargaal, waxaana loo yaqaan wixii Karin bari ka xiga buuraha Calmaskaad.<\/p>\n\n\n\n<p>Haddaba, buurta Surad la yiraahdo ee Xiis, dusheeda ah waa buurta, buuraha dalka Soomaaliyeed ugu dheer waana 2800 Mt. Waxayna ka mid tahay buurihii caanka ahaa oo ilaa Nebi Ciise dhalashadiisii ka hor laga guran jirey Moxorka, Mayddiga, Falaxfalaxda, Murkudda iyo faleen badan oo udgoon.<\/p>\n\n\n\n<p>Sida taariikhdu sheegayso waxaa meelaha iman jirey Faraacinadii, oo uduggaas qaayaha weyn leh uga guran jirey ahraamta iyo guryahay wax ku caabudi jireen. Faraacinadii iyo Masaaridii hore ee adduunka ilbaxnimadoodu ugu horeeysey aad bay u iman jireen gobolkaas Sanaag, raadad bandanna way kaga tageen, waxayna u bixiyeen dalkeenna dalkii Moxorka iyo Mayddiga, ama (Puntland) sababtoo ahayd uduggaas iyo carfoonkaas ayaan adduunyada meel kale laga heli jirin. Buurtaas Surad ee gobolkaas ku taal waxay ka mid tahay meelaha dalka Soomaaliyeed ugu roob badan.<\/p>\n\n\n\n<p>Waxaa kaloo kabaxa buurahaas dhir badan oo kumanyaal jaad ah, oo ay ka mid yihiin Dhosoqa, Xiiska, Deyibka, Mooliga, Hareeriga, Shoyga IWM. Buurtaas Surad iyo buurahaas Caleed oo la xiriira wax la sifayn karo quruxdoodu iyo qiimahoodu ma\u2019aha, waxse gabay ku sifeeyey gabayaaga caanka ah Xaaji Aadan Axmed (Afqallooc) ee Ceerigaabo deggan keligiisna la oran karo waa ka nool yahay raggii hore ee gabayaaga ahaa.<\/p>\n\n\n\n<p>Wuxuu yiri,<\/p>\n\n\n\n<p>Waa meel malka ah oo biyiyo buur madowba lehe<\/p>\n\n\n\n<p>Marmar weeye dhagaxeedu iyo muunad gooniya\u2019e<\/p>\n\n\n\n<p>Miyaad dooxa ah&nbsp; bay leedahay, oo miro ka beermaane<\/p>\n\n\n\n<p>Mandarka iyo jamaalka&nbsp; baad Libnaan ugu malaysaaye<\/p>\n\n\n\n<p>Manaakha iyo hawada waxay ka tahay Mawsalka Ciraaqe<\/p>\n\n\n\n<p>Kolkaad madaxa Surudeed tagtiyo meesha ugu taagan<\/p>\n\n\n\n<p>Badda waxa maraayoo dhan baa, kuu muraayad ahe,<\/p>\n\n\n\n<p>Madfaca laga ridaa wuxuu tagaa, kuman masaafoode<\/p>\n\n\n\n<p>Arraweelo meeshay degtey, iyo muluggii Geylweyte<\/p>\n\n\n\n<p>Iyo ma\u2019aasiir ku jira, moodkii la helaayey,<\/p>\n\n\n\n<p>Maanla\u2019aha iyo taallooyinkaad, aqalka moodeysid,<\/p>\n\n\n\n<p>Meelihii kinsiga lagu qarshay bay, maangadood tahaye,<\/p>\n\n\n\n<p>Madduuno iyo god qorane baa ninkii, marayba yaabaaye,<\/p>\n\n\n\n<p>Muutasaha iyo Daalo waa lagu murqaamaaye,<\/p>\n\n\n\n<p>Ma\u2019yey baa ka da\u2019a goortay tahay, milayga jiilaale,<\/p>\n\n\n\n<p>Daruurtoo mahaja soo rogatiyo, waqayga meyl gaaray,<\/p>\n\n\n\n<p>Sida mawjadaha iyo doonyaha bay, mar isu jiiraane<\/p>\n\n\n\n<p>Dhirtana qaarba midba leeyahay iyo, man iyo awraaqe,<\/p>\n\n\n\n<p>Maawered in lagu daadiyey baad udugga mooddaaye,<\/p>\n\n\n\n<p>Min aroos sidaad soo gashay iyo, mawledkii nebiga,<\/p>\n\n\n\n<p>Miski baa ka urah kaynta iyo, malafka geedaha\u2019e<\/p>\n\n\n\n<p>Shimbiraha mukhtalifka u ciya ee midiba hees qaaddo<\/p>\n\n\n\n<p>Oo midabba kala goonniya oo, cadad malyuun gaara<\/p>\n\n\n\n<p>Mawda iyo siyaaxa baad arday iyo macallin mooddaaye,<\/p>\n\n\n\n<p>Qollay ku madadaalisiyo Murada badane<\/p>\n\n\n\n<p>Goortuu Gobyaan waa murdee, goonni miranaayo,<\/p>\n\n\n\n<p>Uu Gorod miyuusigga tumoo, Galow ku maaweesho<\/p>\n\n\n\n<p>Oo Marisku kuu soo warramo meesha waxa yaalla,<\/p>\n\n\n\n<p>Aad Raha madiixiisa iyo, maqasho Daa\u2019uuska<\/p>\n\n\n\n<p>Adiga iyo naftaadaa murmah, oon doonin meel kale\u2019\u201d.<\/p>\n\n\n\n<p>Qore<\/p>\n\n\n\n<p>Faarax Maxamed Jaamac Cawl<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>ARAR In kastoo sheekadanu tahay mid la qurxiyey lana xariiriyey qaarkeed, hase ahaatee waa mid run ah oo ka dhacday dalka Soomaaliyeed, magaalada Xiis oo bad yarada Cadmeed ku taalla gobolka Sanaagna ka tirsan markay qiyaastii taariikhdu ahayd 1913kii ilaa 1922kii waxayna ku saabsan tahay jacayl ay gabar la dhihi jirey Cawrala Barre jeclaatay ninka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":2,"featured_media":0,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"_kad_post_transparent":"","_kad_post_title":"","_kad_post_layout":"","_kad_post_sidebar_id":"","_kad_post_content_style":"","_kad_post_vertical_padding":"","_kad_post_feature":"","_kad_post_feature_position":"","_kad_post_header":false,"_kad_post_footer":false,"_kad_post_classname":"","footnotes":""},"categories":[61],"tags":[60],"class_list":["post-548922","post","type-post","status-publish","format-standard","hentry","category-aqoondarro-waa","tag-aqoondarro-waa"],"aioseo_notices":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/548922","targetHints":{"allow":["GET"]}}],"collection":[{"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/users\/2"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcomments&post=548922"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/548922\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":548923,"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=\/wp\/v2\/posts\/548922\/revisions\/548923"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fmedia&parent=548922"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Fcategories&post=548922"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/naagwacan.com\/index.php?rest_route=%2Fwp%2Fv2%2Ftags&post=548922"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}